Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Qaabilay Dhigiisa Somaliland

0
301

Nairobi, KENYA (Dawan) — Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa  shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamada Sare  Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Aadan  Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu Hadyad u siiyay Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Somaliland nuqul ka mid ah dastuuka Kenya. Prof. Aadan ayaa  Gudoomiyaha Maxkammada  Sare ee Kenya si balaadhan u falan-qeeyay  iskaashi dhexmara  Ha’yadaha garsoorka labada dal iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hormarsan.Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland ayaa intii uu joogay Kenya  ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Afrika.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply