Samiya C/raixiim waxay ahayd dhakhtarad ku takhsustay cilmig maskxada iyo neerfayaasha. Waxay qaadatay shaahaadooyin kala duwan oo caafimaadka ah. Waxay ku guulaystay inay dawayso dhaawacyo ay adagtahay in si fudud loo daweeyo. Jaamacadda Charles Drew University of Medicine ee dalka Maraykanka ayay cilmiga caafimadka ka baratay. Waxay soo saartay inay curiso qalab dejiya neerfiyaasha iyo dareen wadayaasha isago ah computer kaga shaqaysiinya neerfayaasha uu ku dhacay faalagu.
Wakhtigaasi waxa loo soo bandhigay inay qaadato Jinsiyadda Maraykanka iyo 5 milyan oo doller waana ay diiday. Sanadkii 1997 ayaa laga helay maydkeed tallajad aan xumaatay oo la dhigay mid ka mid ah magaalooyinka Maraykanka. Dhacdadan ayaan la garan ilaa maanta cidii ka danbaysay.
Drs.Samiira Muse waxay ahayd Masaarida cilmiga leh waxay ahayd dafcadii ugu horaysay ee ka dhamaysay kulliyada Sayniska ee jaamacadda Qaahira. Waxay ku qaadatay shaahadada Masterka xidhiidhka gasaska kululaanaya. Waxay u safartay dalka Ingriiiska iyadoo ku qaadatay shaahaadada PHD qalabka X-ray iyo wixii la xidhiidha. Waxay baadhis ku samaysay nidaamka adeegisiga macdanaha fudud si looga sameeyo Qunbulo duiriye (Atomic energy) waayo waxay aaminsanayd in dawladaha oo dhami ay helaan hubka halista taasi oo amaanka xoojinaysa iyo kala baqashada iyo weliba is xaq dhowrka. Sanadkii 1948 ayay samaysay hay’ada Qunbula Duriyaha (Atomic Energy) . Sanadkii 1952 Jaamacadda St. Louis University, USA ayaa ku marti qaaday inay ka qayb qaadato cilmi baadhis. Laakiin markii ay ku soo noqotay Masar ayay haddana ka heshay martiqaad kale Shaybaadh Qunbula Duriyaha ah oo ku yaalla California Maraykanka. Iyadoo wakhigaasi maraysa dariiqa ayuu gaadhigeeda jiidhay gaadhi weyn oo xamuul ah, kaasi oo ku tuuray gadhigeed ilaa 400 mitir. Waxaana ay ku dhimatay goobtaasi iyadoo da’deedu ahayd 35 jir. Markii danbena waxa cadaatay in martiqaadku uu ahaa dhalanteed iyadoo dadaalkeedu iyo aqooneedu u horseeday shirqoolka dilka. Waxaana laga qoray taariikhdooda buugaag badan.