Dalka Ingiriiska lamaane ayaa sheegay inay aad u jecel yihiin Eyda iyo rabayntooda. Lamaanahan ayaa wakhtigan gurigooda ay kula nool yihiin 41 Ey. Lamaanahan oo kala Leina Eivort oo 58 jir ah iyo odaygeeda Tuni oo 67 ayaa wakhtigooda ku qaata ilaalinta Eydaasi. Eydaasi oo ay da’doodu kala duwan tahay ayay ku qaadataa maalintii muddo laba saacadood ah quudintoodu.
Lamaanahan ayaa sheegay in sanadkii ay kaga baxdo lacag dhan 46 kun doller raashinkooda iyo dhakhtaradooda. Waxayna intaasi ku dareen inay ku qanacsan yihiin ayna jecel yihiin daqiiqad kasta inay ku qaataan Eydaasi agtooda.