Madaxweyne Siilaanyo Oo Xildhibaan Nacnac Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Walaalkii

0
358

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland  ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM Cabdilaahi Maxamed Diiriye  oo 15/10/2015 ku geeriyooday Dalka Qatar.
Dhambaal xambaarsan Tacsida uu diray madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa   afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland  ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM Cabdilaahi Maxamed  Diiriye  oo 15/10/2015 ku geeriyooday Dalka Qatar. Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ay ay Marxuumka geeriyooday walaalo ahaayeen.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply