“Wasiirka Beeruhu Tacab Muu Gelin Xukuumadda, Waxaanu Ahaan Jiray Kuwii Ugu Xumaa Ee…”

0
286

Burco(Dawan):-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo   ka tirsan golaha deegaanka degmada Burco,ayaa eedayay Wasiirka Beeraha inuu diiday inuu wax la qabto dugsiga qadiimiga ah ee Beeraha ee dhawaan laga furay degmadda Beer ee gobolka Togdheer.
 
Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu Wasiirka Beeraha ku tilmaamay masuul aan tacab gelin xukuumadda Somaliland isla markaana uu ahaa dadkii ugu xumaa ee ka soo horjeeday xisbiga talladda haya ee KULMIYE.
“Waxaa ayaan darro ah, oo wax laga xumaado ah, Wasiirka Beeraha Maxamed Aw Daahir in markii aan kala hadlay ee dugsiga beeraha ee Beer laga furay  oo  aan Hargeysa kula kulmay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen  Wasiirka Warshadaha, Shucayb  iyo Axmed Cigge, waxa aan kala hadlay oo ku idhi Iskuulkii Doorkaagii Wasiirnimo ayaa ka maqan, Runtii isaga oo xilkan uu hayo ee Wasiirnimo bilaash  ku helay oo  aan tacab ka soo gelin oo ahaa ragii ugu xumaa ee UDUB. ayaa abaalkiisii waxa uu noqday in Dugsigii Beer uu yidhaahdo waxaan ka hor marinayaa dugsi kale oo yar,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo warbaahinta ugu warramayay Burco.
Xildhibaan Mubaarig Bidhi waxa uu ku eedeeyay Wasiirka Inuu lumiyay fursad uu u helay masuuliyiinta Ha’yad caalami ah oo beeraha ka shaqaysa oo uu dalxiis ka doorbiday, waxaanu yidhi “Dugsigii Beeraha ee degmadda Beeri, waa  qadiimi, inuu yidhaahdo xil wareejintii iiguma jirin oo Wasiir uma ihi, waa nasiib darro iyo wax aan la aqbali Karin. Berigii dhawayd ee uu Norway tegayna Hay’adda la yidhaahdo DF, oo afar mashruuc Somaliland ka wadda oo  Beeraha ka shaqaysa  lamuu kulmin ee waxa uu la kulmay oo uu  ka door biday in innamo ay isku xaafad yihiin uu u tagay. waxaan leenahay Wasiir intaad joogto wax ha kaa hadhaan, muddo yar ayaad xilka haynaysaaye  ee Iskuulka beer muhiimadda uu leeyahay sii, sidii uu Wasiirkii beeraha ee kaa horeeyayba ula shaqeynayay.”
 
Waxaa kale oo uu farriin  u diray qurbo joogga reer Togdheer oo uu ku dhiiri geliyay in ay taageero ka geystaan  oo ay kaalintooda daboolaan.“Waxaan u sheegayaa qurbo joogga inay doorkii ay lahaayeen Iskuulkan inay gacan ka gaystaan oo iskuulkii wuu furmay ee ay taakulayn dhaqaale kaga soo qayb qaataan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply