Cunna qabateynta Iiraan oo la qaadayo

0
267

Dowladda Mareykanka ayaa isu diyaarineysa sidii ay Iiraan uga qaadi lahayd cunna qabateynta taas oo ka dhalatay heshiiskii taariiqiga ahaa ee laga gaaray nukliyerka Iiraan bishii Julay ee sanadkan.

Heshiiskaasi waxaa lagu saxiixay magaalada Vienna, kaddib sanado wadahadallo ah oo dhinacyadan u socday.
Madaxweyne Obama waxa uu soo dhaweeyay wax uu ugu yeeray “Maalinta saxiixa” oo lagu heshiinaayo in Iiraan laga hor istaago inay hormariso hubka Nukliyerka.
Madaxweyne Obama ayaa maalinta saxiixa heshiiska ku sheegay inay taariiqda muhiim u tahay.
Iraan waxa ay ogolaatay inay bilowdo joojinta barnaamijkeeda nukilyerka oo ay ka mid tahay yareynta keydkeeda macadanta Uranium-ta.
Taasi bedelkeeda, Mareykanka waxa uu isu diyaarinaayaa inuu la noqdo cunna qabateynta ka dhanka ah Iiraan.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mr Obama uu si dhow ula socdo sida xukuumadda Tehran ay oag go’an tahay meelmarinta heshiiska.
Tani waxaa suuragal ah inay noqoto maalinta saxiixidda heshiiska, laakiin meelmarinta ayaa qaadaneyso bilaha soo socda ama waxay noqon kartaa illaa xilliga Iiraan ay fulineyso wixii ay ku gorgortameysay oo ah, in arrinta ay xaqiijiyaan hay’adda caalamiga ah ee la socodka atomic-da ee IAEA.

Leave a Reply