Turkiga oo laga caawinaayo qaxootiga

0
315

Maamulka dalka Turkiga waxa uu sheegayaa in hormar laga sameeyay kullanka ay la yeesheen hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel oo ku saabsanaa soo afjaridda qulqulka qaxootiga ee Yurub.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu waxa uu tilmaamay in Mrs Merkel ay isku aragti ka yihiin sida looga hortagaayo qulqulka Tahriibayaasha.
Angela Merkel ayaa hoosta ka xariiqday in Turkiga uu u baahan yahay taageero dhaqaale, Yurub na ay dooneysay inay dhiirageliso shuruucda socdaalka.
Laakiin maamulka dalka Turkiga ayaa kullankaasi uga faa’ideystay sidii ay ku heli lahaayeen xubinnimada midowga Yurub.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uu sheegayaa in uu weydiiyay Jarmalka iyo sidoo kale Faransiiska, Britain, iyo Spain inay taageeraan dedejinta dalkiisa inuu ka mid noqdo midowga Yurub.
Hadalkan waxa uu jeediyay intuu socday kullanka uu la yeeshay Mrs Merkel oo booqasho ku tagtay Turkiga.
Laakiin asigoo BBC-da la hadlaayay, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Kurdhiska ee Turkiga HDP, – Selahattin Demirtas, waxa uu sheegay in weydiishada ah in dalkiisa laga taageero qaxootiga, in Midowga Yurub lagu qasbay caawinta Turkiga.
Wuxuu intaasi raaciyay in ququlka qaxootiga ay si ulakac ah uga dambeyso dowladda Turkiga oo uu sheegay inay wadada u banneysay muhajiriinta.
Jarmalka iyo Turkiga waxa ay ballan qaadeen inay si dhow uga wada shaqeynaayaan xallinta arrimahan oo ay ka mid tahay kumannaanka qof ee weli kusii wajahan dalalka Midowga Yurub.

Leave a Reply