Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay Dabley Falal Budhcadnimo Ah Ka Geystay Sheekh Iyo Daray-godle

0
278

Berbera (Dawan): Dabley hubaysan  ayaa shalay ku rasaaseeyay  Booyad shiidaal oo maraysay jidka  laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxa kale oo ay isla shalayna  kooxdaas   hubaysani   rasaas ku rideen baabuur u socday Burco oo marayay waddada  u dhexeysa Sheekh iyo Berbera.
Sida uu xaqiijiyey badhasaabka gobolka  Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, oo shalay u warmaaay BBC, waxaanu sheegay in ay ciidamadu  ku dabo jiraan kooxdan dableyda ah ee weerarada gaystay.Arrintani ayaa dhacday  ka dib markii shan nin oo u dhashay deegaanka Saaxil min  bil  xadhig ah lagu xukumay, kuwaasi oo la sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka ay xukuumadu ku wareejisay haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera, oo lagu wareejiyay shirkado madax banaan.
Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Bidaar, oo ka hadlayay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi   “Xubnahan  la xidhay ee la rumaangareeyay ee shanta, qaar ay ehelo yihiin oo leh lama xidhi karo ayaa saak abuurta isla soo taagay qoryo. Baabuur ay shicib leeyihin oo u scoday Burco  ayay rasaas ku fureen.
Markii la ii soo sheegay ciidan ayaa ku baxay, iyagii buurta ayay galeen, ciidankiina way ka daba tageen oo way ku maqan yihiin.  Jidka dhinaca galbeedka uga baxa Berbera, dhawr inan ayaa saaka  (shalay subax) galay wadada Daray-godle tuulada la yidhaahdo,  oo Berbera xagga galbeedka ka xigta, iyaguna waxay la socdeen qoladan inamada lama xidhi karo leh, oo waa iska caa’ilad. Booyad Berbera ka timid ayay xabadeeyeen, taayiradda ayay ka qarxiyeen, candhadana waxyeelo ayaa ka gaadhay  booyadda, intaa ayaa dhacay.”
Fahmi Cabdi Bidaar, waxa uu sheegay in shanta qof ee la xidhay  ay abaabulayeen rebshado, isla markaana ay hub urursadeen. waxaanu yidhi “Abaabul iyo qas ayay galeen iyagoo abaabulkii dagaal ku dhex jira ayaa la soo qabtay. Magaaladda gudaheeda marka qofku  wax ka samaynayo haddii la qabto cabudhin ma aha. Sababta oo ah qofkii in uu codkiisa dhiibto xor ayuu u yahay laakiin marka uu abaabul kale ku jiro oo qoryo-qaadasho iyo wax kale uu ku jro, ee uu maaaladda ka baxo, taasi maaha mid cab udhin ah.  Meel iskama ay joogin balse iyagoo meel ka tegay hubna meel sii dhigtay, ku kalena xagga Sheekh iyo Burco u raadsanaya ayaa la soo qabtay, oo jidka lagu qabtay”.
 
Fahmi Bidaar, oo la weydiiyay inay xukuumaddu masuul ka  tahay dhacdooyinkan, maadaama oo baarlamaanku hore u diiday in haamaha shiidaalka cid gaar ah lagu wareejiyo, balse ay xukuumadu xoog ku wareejisay.  Waxa  uu ku jawaabay. “Xoog ma aha, baarlamaanka laftiisu, waa tii in badan xukuumaddu ka hadlaysay oo ka hor-dhac ayuu ahaa wixiisu, taasi waxay tahay xukuumadda siyaasadeed cidii ay heshiis la gelayso marka ay la gasho heshiiska ka dib in baarlamaanka loo geeyo weeye, waa sida dastuurku dhigayo, waana sida sharcigu yahay.
 
Waayo haddii aan cidba heshiis lala gelin maxaa baarlamaanka la horgeeyaa? Ama uu ka hadlaa? Taasi tii hore ayay ahayd qaladkii ay sameeyeen, imikana xukuumadii dariiqeedii way diyaarisay, way wareejisay markaa imika ayay baarlamaanku odhan kraan ha la keeno heshiiskan haamaha lagu wareejiyey,”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply