Joe Biden oo ka haray ololaha doorashada US

0
342

Musharraxa ugu cadcadaa ee xisbiga Dimuquraadiga ee Mareykanka, Hilary Clinton ayaa waxa ay awood u heshay ololeheeda kaddib markii madaxweyne ku xigeenka Joe Biden uu sheegay inuusan ka qeybgaleynin loolanka.

Mr Biden waxa uu soo afjaray hadallada la isla dhexmaraayay ee musharaxnimadiisa, asiga iyo ehelkiisana waxa ay hadda soo afjareen aaska wiilkiisa oo u dhintay Kansar.
Mr Biden waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu waqti u helaayo ololihiisa si uu ugu guuleysto musharaxnimada xisbiga dimuquraadiga, laakiin waxa uu sheegay inuusan aamusnaaneyn xilliga ay socdaan ololaha loogu tartamayo xilka madaxweynaha.
Bernie Sanders ayaa hadda la xaqiijiyay inuu yahay ninka sida weyn ula tartamaaya Mrs Hillary Clinton.
Asigoo ka hadlaayay magaalada New York, Mr Sanders waxa uu uJoe Biden ku amaanay howsha shacabka uu u qabtay noloshiisa.

Leave a Reply