US oo cambaareysay booqashada Asad ee Moscow

0
461

War ka soo baxay aqalka Cad ee mareykanka ayaa si adag loogu cambaareeyay booqashada Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad uu ku tagay magaalada Moscow.

Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay u fidiayeen waxa ay ugu yeereen “Soo dhaweynta roogga cas”
Afhayeen u hadlay Mareykanka oo lagu magacaabo, Eric Schulz, waxa uu tilmaamay in casuumaadda Moscow ay u fidisay Mr Asad inay carqalad ku tahay raadinta in xal siyaasadeed laga gaaro arrinta Suuriya.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegtay inay ka walaacsan tahay taageerada ballaaran ee militari ee Ruushka uu siinayo maamulka Asad.
Tallaabadaasi waxa ay ku tilmaameen inay dhiiragelineyso dowladda Bishaar Al-Asad, ayna sii dheereyneyso xilliga dagaalka sokeeye iyo wax loogu yeeray “Kordhinta argagixisada”.
Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Ruushka Mr Putin waxa uu dalalka diidan maamulka Asad ku wargeliyay qodobada ay kawada hadleen maalin kaddib booqashadiisa Moscow.
Mr Putin waxa uu lahadlay boqor Salmaan ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo labaduba ay aad u caawiyaan mucaaradka la dagaallamaya Mr Asad.
Mr Asad waxa uu Ruushka u gudbiyay mahadnaq ballaaran oo ku saabsan duqeynta ay Faragelinta Ruushka ee dagaalka Suuriya.
Bafatiraha BBC-da ee arrimaha carabta sebastian usher, ayaa ka waramaya Rage Xasan wuu soo jeedinaayaa.

Leave a Reply