Mahrajaan Lagu Metelayo Dagaaladii Qarniyadii Roman-ka Oo Markii Ugu Horeysay Spain Lagu Dhigayo

0
318

Waxa markii ugu horeysa dalka Spain lagu dhigi doonaa mahrajaan ay kasoo qayb gelayaan dad aad u tiro badan oo daawadeyaal ah kuwaas oo ka kala imanaaya daafaha kala duwan ee caalamka.
mahrajaankan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa lagu meteli doonaa xusna looga dhigi doonaa ciidamadii Roman-ka ee dagaalada kala duwan la geli jiray dawladihii kale ee Furus ay kamidka ahayd.
dadka daawadeyaasha ah ayaa isugu iman doona meel weyn oo qalcada kuna taala wadanKA Spain,kaas oo lagu meteli doono dagaaladaasi,waxaana goobtaasi lagu diyaariyey rag aad u tiro badan oo gaadhaa ilaa 300 oo nin oo ciidamadii waqtigaasi dirayskoodii iyo qalabkoodii ku hubaysan.
300 ee nin ayaa ku hubaysan hubkii waqtigaasi waxyaalo lagu metelaayo,iyaga oo ka koobnaan doona 25 ilaa 30 kooxood,kuwaas oo kala duduwan,waxaanay ka dhacaysaa munaasibadaasi qasirga lagu magcaabo Castle King Hut oo ku yaala meesha lagu magcaabo Cuenca Spanish oo dalkaasi Spain kamida.
dadka dagaaladan meteli doona ee ka qayb gelaaya ayaa ka kala socda wadamo kala duwan oo gaadhaaya tiro ahaan ilaa 15 wadan,kuwaas oo loo dhamaystiray qalabkooda dagaal ee kala duwan,waxaanay awooda saari doonaan dagaaladii dhacay qarniyadii 14-naad iyo 15-naad.
dawlada Roman-ka ayaa ahayd dawlad aad u awood badnayd ,waxaana markii dambe meesha ka saaray dawladii Islaamka oo gebi ahaanba la wareegtay dhulkii ay ka talin jirtay.

Leave a Reply