Bisado Uu Dilay Ayaa Xabsi Dheer Ku Galay

0
259

Maxkamad ku talla gobolka Ohio ee Maraykanka ayaa ku xukuntay 12 sano xadhig ah nin Maraykan ah ka dib markii ay ku cadaatay inuu u dilay laba bisadood si kas ah.
Xukunkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee lagu qaado tan iyo intii la soo saaray qaraarka dhigaya inay mamnuuc tahay in la dilo xayawaanka dadka la nool. Wargeyska  Cincinnati Inquirer ee ka soo baxa dalkaasi ayaa isna daabacay in  nin lagu magacaabo Rasl oo 31 jir Maraykan ah ay maxkamada magaalada Hailand ku xukuntay 12 sano ka dib markii uu u dhacay guriga gabadh ay hore u kala tegeen isla markaana uu ka dilay bisadeedii.

Leave a Reply