Dalka Denmark Oo Laga Hirgeliyey Beer Dhulka Ka Saraysa

0
321

Wadanka Denmark ,gaar ahaana magaalo madaxdiisa Copenhagen ayaa laga hirgeliyey beer ku taala meel aan dhulkana ahayn cirka sarena ahayn,taas oo soo jiidatay dadkii arkay .
beertan ayaa ah mid laga dhisay guri ku yaala magaaladaasi Copenhagen dushiisa,kaas oo ay ka hirgelisay shirkad laga lee yahay dalkaasi Denmark laguna magcaabo JDS Construction Company.
tan ayaa keentay kadib markii ay caruurta gurigaasi ku nooli ay waayeen meel beer ah oo ay ku ciyaaraan ,gurigaas oo aan lahayn wax dayr ah dartii,waxaana loogu talo galay inay xaga sare ee gurigaasi ku ciyaaraan caruurta gurigaasi ku nooli.
Injineerada shirkadaasi ayaa fikir dheer kadib qaabeeyey sidii gurigasi xagiisa sare loogu samayn lahaa beer qurux badan,taas oo ay weheliso meelo ay ku ciyaaraan caruurta yar yar .
waxa kale oo beertaasi la dhigay waxyaalaha ay caruurtu ku ciyaaran oo dhan,waxa intaasi dheer iyada oo waalidku ilaalinayaan caruurtaasi intay halkaasi ku ciyaarayaan ,madaama oo ay kasoo dhici karaan guriga dushiisa.
 
 
 
 

Leave a Reply