Hooyo Agoon Caalim Weyn Ka Dhigtay!

0
439

Imaamu Shaafici wuxu ahaa agoon , wuxu noqday caalim weyn iyo imam caan oo mad-habtiisa dalal badani haystaan, waxaana sabab u ahayd korinta hooyadii. Ninkii Taabiciga ahaa ee Sufyaan  Asowri oo isna ah laga dhaxlay cilmi waxtar leh, wuxu ahaa agoon waxaana halkaasi inuu gaadhao kula dadaashay hooyadii. Waxayna hooyadii ku odhan jirtay baro cilmiga aniga ayaa ku filan noloshaade, sidaasi ayuu ku noqday caalim weyn oo muslimiinta caan ka ah waxtarna u keenay.
Imaam Bukhaari oo la odhan jiray Maxamed Binu Ismaaciil Binu Ibraahim wuxu ahaa agoon, waxaana heerka aqoontaasi kula dadaashay hooyadii ilaa maanta uu noqday Axaadiista  Bukhaari kutubta ugu caansan muslimiinta ee laga helo axaadiista sexeexa ah. Saxaabigii Subayr Binu Cawaam wuxu ahaa agoon waxaana ay ku tababartay hooyadii inuu leebka si fiican u barto ilaa uu gaadhay heer aanu la seegin wixii uu la shiisho oo ciidamada gaalada marka loo sheego inuu Subayr ku jiro ciidanka ay iska hor imanayaan ay ka argagixi jireen. Waxaana uu ka mid ahaa saxaabadii Rasuulku (scw) ugu bushaareeyay Janada. Sidaasi ayay hooyooyinku usoo saareen culimo waaweyn oo waxtar u yeelatay ummada muslimiinta iyo geesiyaal cabsi geliyay cadawgooda.

Leave a Reply