Phobia: Dawada Xanuunka Cabsida iyo Werwerka

0
3385

Phobis waa xanuun nafsaani ah oo ku dhaca dadka qaarkood. Xanuunkan ayaa ah in qofku uu ku dhaco cabsi iyo baqasho xad dhaaf ah oo aan caqli gal ahayn (illogical). Waxay cabsidu kaga dhacdaa meelo kala duwan sida dadka qaarkood oo uu ka baqdo, naftiisa iyo quruxdeeda, cabsi uu ka qabo dadka waaweyn, cabsi uu ka qabo inuu wax kasta oo uu qabto xumaanayaan. Phobia way ka duwan tahaa xanuunada kale ee nafsaaniga ah maxaa yeelay iyadu waxay xidhiidh la leedahay ashyaa ama duruufo gaar ah. Waxaana jira astaamo lagu yaqaano xanuunkan phobia oo ah  inuu qofku shubmo, kaadida oo si joogto ah usoo noqnoqta, , wejiga oo casaada, dhidid, dhaxan badan, daal, yalaalugo , wadne garaac xoogan iwm. Xanuunkan sababaha keena maaha kuwo si cad loo wada garan karo laakiin waa dareen nafsaani ah oo ka soo maxaanaya shucuurtiisa hoose ee ruuxiga ah.
Sida xanuunkan loo daweeyo ayay Dhakhtarada cilmi nafsigu ku sheegeen inay tahay in si nafsi ah iyo akhlaaq wanaagsan lagula dhaqmo qofka xanuunkan qaba,  waxayna ku soo koobeen : Taageerida qofka xanuunka qaba oo la tuso in la wada jecel yahay, degenaansho la tuso, in loo cadeeyo waxa uu ka baqayaa in aanay ahayn wax cabsi leh si waadax ah oo caqligiisu rumaysan karo, in lagu dhiirigleiyo inuu ka takhaluso cabsidaasi, inuu ku qanco xaaladda uu ku jiro.
Islaamakuna wuxu ku  daweeyay inuu qofku  badiya Allah (sw)  ka cabsigiisa iyo xidhiidhka uu la yeelanyo Allah(sw).  Napoleon Faransiiska xukumi jiray ayaa xanuunka qabay sida la sheegay waxaana uu aad uga baqan jiraya bisadaha, taasi oo aan caqli gal.

Leave a Reply