Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Sheegay in loo Siman Yahay Sharciga

0
301

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in aan kiisaska siyaasiyiintu sharciga ka sarrayn, haddii aanay waafaqsanayn sharcigana la dhegaysan doonin, cidda ay soo xidhaanma la sii dayn doono.
Guddoomiye Dalmar waxa uu xusay in ay caqabad ku tahay dacwado badan oo waraaqahoodii la waayey, qaar badanna dib loo bilaabay, kuwana faylashoodii iyo dhukumantiyadoodii dib loo raadiyey.
“Arrimaha siyaasaddu sharciga kama sarreeyaan, qof sharciga ka sarreeya ma jiro, nin walba sharcigaynu hoos joogna.a Qofka siyaasi ah ee qof ka cabanaya amma kiiska siyaasadaysan hadduu sharciga soo maro waannu dhegaysanaynaa, xukun caddaaladeedna waannu ka soo saaraynaa, waxaanuna u ballanqaadaynaa dadweynaha maxkamad furan oo kiiskeeda la dhegaysto, laakiin kiiska aan sharci soo marin waannu sii daynaynaa, wax allaale oo noo diidaya ma jiro, waayo qodob sharci baannu eegayna, haddii aan la dabakhin waan sii daynaya, waanan u ballanqaadaya, haddii la dabaqana waannu dhegaysanaynaa, waayo xukuumadda waannu la shaqaynaynaa, wixii kiis ah ee jira waa in ay sharciga soo maraan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha.
Waxa uu sheegay in Maxkamadda Gobolka Hargeysa ahayd meesha ugu maamulka liita markii loo magacaabay, waqtigana ku hawlan yihiin sidii dib u habayn loogu samayn lahaa, waxaannu yidhi; “Markii aan imi waxay ahayd maxkamadda Somaliland oo dhan maamul ahaan ugu liidata. Waxaan qabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare meeshii ugu liidatay buu ii magacaabay, waayo xagga maamulkaan sheegayaa; waxaan ugu imi kaaliyayaal dawakhsan oo aan shaqadooda garanayn, waxa aan ugu imi qalab la’aan. Guddoomiyihii hore ma canaananayo, laakiin qalab la’aan baa jirtay, qalab baan jirin, gaadiid ma laha. Waxa aan ka soo bilaabay meel eber ah, marka meesha eber laga soo bilaabana horumarkeedu ma muuqdo, waxaanay u socotaa tallaabo tallaabo. Waxaan wax ka qabtay markiiba si dacwaduhu u socdaan dhammaan dacwadihii garsoorayaashii la eryey iyo kuwii cusbaa waxa aan ku qoray garsoorayaashii cusbaa ee maxkamadda la keenay, si aan loo jahwareerin garsoore kasta dacwadda uu hayey; hadday soddon ahaayeen iyo haddii kaleba garsooraan ku qoray oo xafiiska laga beddelay fadhiistay.
Guddoomiye Dalmar oo u warramay shabakadda Hadhwanaagnews shalay, waxa uu intaa ku daray in ay caqabad ku noqotay ka garnaqis dacwado dukumantiyadoodu lumeen, “Waxa hadda turaanturo nagu ah dacwado fara badan oo waraaqihii lagu sameeyey maxkamadda aannu ka waynay oo noqotay in la bilaabo amma dadkii wax la waydiiyo oo dukumantiyadii dib loo ururiyo, waayo waxa laga yaabaa inuu kaaliyuhu dhayalsaday oo waraaqihii tuuray, dabadeedna annagu waraaqihii ugumaannu iman.”
Geesta kale, waxa uu ka hadlay dhibaatooyin ka dhalan jiray baadhayaasha saldhigyada oo dadku cabasho badan ka muujin jireen, waxaannu yidhi; “Hal garsooraha dacwada horgeynta ah geli jiray, marka uu dhawr sanno ku jiro way is baranayaan baadhayaasha saldhigyada, in la bedbeddelo maxaa diidaya? Markii aan imi anigoo taas ka dheragsan, waxaan sameeyey waan kala jebiyey dhammaan saldhigyadii Gobolka Maroodi, waxa ay ahaayeen 12 saldhig iyo CID intaasaa ku taal. Lix saldhig waxa aan ku qoray laba garsoore, lix saldhig oo kalena laba garsooraan ku qoray, CID-da anigaa garsoore ahaan u gala, maadaama ay ka xasaasisan tahay, taasna waxa kuu caddaynaysa in aannu yaraynay sii dayntii fannaaniinta, waayo sharci iyo go’aan maxkamadeed laguma xidhin, qodob eed ah oo ay ku taagnaayeena ma jiro,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply