Nabaddaa Caano Macaan

0
593

Dadka Soomaalida ah oo lagu tilmaamo dad waayo arag ku ah colaadaha, nabadda iyo saameynta ay ka tagaanba, iyaga oo tilmaamaya ahmiyadda nabadgalyada waxa ay ku maahmaaheen “nabaddaa caano macaan”, mar kale waxa ay yidhaahdeen “nabaddaa naas lanuugo leh”. Waxa kale oo ay murti googaaleysi ku odhanjireen “nabaddu waa gogosha rag ku wada nasto ama ku seexdo”.
Naas iyo caano waa laba aan kala maarmi karin, oo isku xidhan.  Naas haddii aanu jirin caanona lawaa, oo caanuhu sida roobka samada kama soo horaan. Nabadda waxa lagu sheegey in ay tahay naaskii caanahu ka imanayeen , isla markaana naaska waxa lagu tilmaamey caano macaan oo waxtar badan.
Sida oo kale nabadda waxa lagu tilmaamey in ay tahay gogol raggu ku seexdo. Gogol wanaagsan oo rag oo dhan ku wada nasto. Waxa ay ka mid tahay waxyaabaha tirada yar ee ragga mideeya, ama ahmiyaddeeda laysku waafaqsanyahay.
Sidaas awgeed dadku mar waxa uu noqonayaa ilma yar, nabadduna waxa ay noqoneysaa naaskii hooyadii. Sida aynu wada ognahay ilmaha yar kama maarmi karo naaska hooyadii. Ilmaha yar, haddii uu naas waayo waxa uu la kulmaa xanuunno sida uu uga kacaa ay adagtahay.
Mar kale dadku waxa uu noqonayaa rag meel ay fadhiistaan, meel ay ku gabadaan iyo gogol ay ku nastaanba waayay, nabadduna waa xarun waxaas oo dhan u ah. Waa xarun ina rag ku nasto, waa hoy uu cadaawaha kaga gabado, isla markaana nabaddu waa gogol ay si bilaa walwel ah ugu seexdaan.
Qofwalba waxa uu ku seexanayaa, ku soo toosayaa, ku baxayaa, ilsa markaana uu ku shaqeysanayaa isaga oo aan walwal qabin. Isaga oo aan ka walwal qabin in la qafaasho, in hantidiisa ladhaco, in la dilo, iyo in si uun loogu xoog sheegto isaga oo aan dambi galin. Ruux walba waxii uu awoodo ayuu ku noolaanayaa. Waxa Alla wax wanaagsan ee uu rabo ayuu sameynkaraa. Nabadda wadank ka jirta waxa ay u adeegeysaa wax kasta oo wanaagga dadku ku jiro.
Sida oo kale dalka ay nabad ka jirto waxa uu sameyn karaa horumar kasta oo suuro gal ah. Waxa uu sameyn karaa horumar bulsho. Waxa uu gaadhi karaa horumar  dhaqaale, horumar maamul iyo horumar kasta oo nolosha bulshada iyo jiritaanka qarankaba taabanaya.
Soomaaliland, waxa ay maanta caalamka intiisa badan uga duwantahay waa nabadgalyada iyo degenaanshiyaha buuxa ee wadanka ka jira. Waxa Ilaahay inna siiyay nabadgalyada oo ah nimcooyinka ugu waaweyn ee Illaahay baxiyo.  Wadamo badan oo caalamkan ka jira ayaa dhaqaale, dedaal iyo waqti aad u badan lagu siiyaa bal in ay waxoogey nabad uun ka dhalato. Waxkasta oo horumar ay sameyn lahaayeen waxaa ka hortaagan wadankooda oo aan xasilooni kajirin.
Haddaba, Soomaaliland ahaan, waxa innala gudboon saddex arrimood oo muhiim ah. Kow in aynu Ilaahay uga mahadnaqno nimcadaan doollarka lagu raadinaaayo ee Ilaahay innasiiyey. In aynu ilaashanno midnimadeenna, deganaanshiyaha iyo nabadgalyadan aynu haysanno ee Ilaahay innasiiyey. Iyo In aynu ka feejignaanno jallaafoioyinka cidkasta oo dan gaara leh, kuwaasoo isku dayi kara in ay midnimadeenna iyo nabadda waxyeelleeyaan.
By: Maxamuud Daahir Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply