Wasiirkii Waxbarashadda Oo Is Casilay, Kana Hadlay Asbaabaha Uu Shaqadda Uga Tagay

0
325

Hargeysa(Dawan):- Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi (Geedoole)ayaa ku dhawaaqay in uu xilkii wasaaradda waxbarashada iska casilay isla markaana aanay jirin cadho iyo xumaan uu xilkaa iskaga casilay balse uu shaqada qaranka u banneeyay  si uu hankiisa musharaxnimo ee uu uga dhex tartamayo  shirka golaha dhexe ee KULMIYE jagada Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka.
“Maanta(shalay) waxaan caddaynayaa in aan iska casilay xilkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee aan ka hayay Xukuumadda Somaliland, anigoo aan cidna ku xumaynayn cidna ku dhaliilayn waxaan caddaynayaa in aan xilkaa iskaga casilay in aan u madax banaanaado musharaxnimadayda Madaxweyne ku-xigeenka ee shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu tartamayo  oo culayskeeda leh iyo hawsha Wasaaradda oo isna culays kale ah,”ayuu ydihi Mr. Geedoolle.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply