“Hangaraarac Lug Uma Dhutiyo Qaranimada Somaliland Way Sii Jiraysaa” Badhasaabka Maroodi-jeex

0
333

Hargeysa (Dawan) Badhasaabka gobolka Marroodi-jeex Maxamad Maxamuud Jeeniyare ayaa ka hadlay ammaanka caasimadda Hargeysa, farriin adagna u diray Wasiirradii xukuumadda iska casilay, waxaanu ugu baaqay in ay ka fogaadan ficilada wax u dhimaya nabadgelyada.
Guddoomiyaha Maroodi-jeex,  waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, isaga oo ugu horrayn arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waad maqlayseen oo Golaha wasiirrada qaar baa iscasilay, shacabkayaga ayaanu annagu la hadlaynaa waxaanu  leenahay hangaraarac lug uma dhutiyo, qaranimada Somaliland way soo jirtay, waanay sii jiraysaa, nin iscasilay iyo nin bood-booda looma baahna.  annagu gobol ahaan maanta waajibkayagii qaran waanu haysanaa.”
Dhanka kale waxa uu badhasaabku ka hadlay in cidii nabadgeliyada qarankani uu ku caano maalay isku dayda inay wax u dhinto inay la tiigsan doonan sharciga waxanu yidhi “Illaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu innagu guuleeyo  ciddii isku dayda inay shacabka nabadgaliyadiisa iyo jiritaankiisa wax yeesho gogosheeda ha sii qaadato oo Mandheera ha sii tagto, qarankanina wixii duminaya waxaa uu u leeyahay xabsiyo, ciidamo u dhisan iyo shacabka oo ilaashanaya nabadgaliyadooda, waxaanu leenahay dadkiina ka mid noqda.”
“Waxaanan leeyahay waxa durba idinka soo yeedh yeedhaya yay noqon qaar ficilkooda la idinka arko haddii la idinka arko annaga cabanina,” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, waxaanu intaa ku daray “Gobolkan Marroodijeex habeen iyo maalinba waa loo soo jeedaa,  aayar oo dhalatayna waan iscasilay oo Jug iyo Mac baan ridayaa wallaahi inaanay soconayn, waxaan dhici doonta in xabsiyada dalka in  badan dhexdooda lagu sheekaysto ,Shacabkana waan la dardaarmaya oo waxaan leeyahay nabadgaliyadiina ilaashada.”
Badhasaabka gobolka Marroodijeex waxa uu sidoo kale uuu madaxweynaha uga mahadnaqay aqbalaada uu ka aqbalay iscasilaadooda waxaanu yidhi  “Madaxweynahana waanu uga mahadnaqaynaa sida uu uga aqbalay xubnaha qaranimada diiday ee banaanka u baxay shacabkana waxan leeyahay nabad-gelyadiina laban laaba oo nin lagu seexdoow ha seexan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply