Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Xilalkii Ay Baneeyeen Wasiirradii is-casilay Oo Uu Intooda Badan Ka Soo Xushay Golaha Xukuumadda

0
299

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  shalay magacaabay oo buuxiyay xilalkii ay baneeyeen Wasiirradii Isniintii toddobaadkan iska casilay xukuumadiisa. Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay Afhayeenka cusub ee Madaxtooyadda.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee xafiiska afhayeenka madaxtooyadda  Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu u dhignaayeen wareegtooyinka magacaabista ahaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3631/102015 Isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey golaha wasiirrada Somaliland, isagoo buuxiyey qaar ka mida wasaaradihii ay baneeyeen Wasiirradii hore iyo Magacaabayna Afhayeen Cusub.
 
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:        In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
In Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland(Hore Duulista)
 
In Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Xildhibaan)
 
In Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga)
 
In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland)
 
In Dr. Sacad Cali Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).
 
In Mudane,Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Cadaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
 
In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.”
 
 
Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda Cadaaladda oo uu u magacaabay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadarre, waxaanay magacaabistiisu u dhignayd sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu:- Markuu ArkayQodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;Wuxuu go’aansaday In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha).”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply