“Shalay Waxaan Ka Shaqaynayey Horumarka Dalka, Maantana Hagardaamo Uma Ogoli”

0
327

Hargaysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Madaxtoyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanu qarankiisii uu shalay u adeegayay aanu maanta la jeclayn hagardaamo.
Waxaanu  sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu shalay ku daabacay mareegtiisa guusha.com, waxaanu yidhi i “Shalay Horumarka dalka ayaan ka shaqaynayey maantana Hagardaamo uma ogoliWaxaa laga jooga wakhti ku siman 24 saac kadib markaan si rasmi ah u shaaciyey in aan ka degay xilkii aan qaranka u hayey ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL oo ahaa xil aan muddo shan sanno iyo ka badan u igmanaa.”
“Intii aan ahaa adeegaha bulshada waxaan ku faraxsanahay in aan dalka ugu adeegay si aan hagrasho lahayn wakhti badana aan geliyey in uu noqdo dal horumarsan oo dunida la tartama. Maanta oo aan ahay muwaadin ka mid ah muwaadiniinta dalkana waxaan jecelahay in dalkaygu guulaysto dawladuna innoo shaqayso, haddii aan xilka ka tagnayna maaha in aan dalka dhib u horseedayno ee nabadgalyada iyo guusha qaranka annagaa cid walba uga lexejeclo badan,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu..
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu kula dardaaray bulshada ina y meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada dalka, waxaanu yidhi “Waxaan dardaaran u jeedinayaa dhammaan shacab-weynaha reer Somaliland in ay ilaalinta nabada dhan uga wada jeedaan sidoo kalena taaba-gelinta qaranka ka wada shaaqeeyaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply