Xisbiga UCID Oo KULMIYE Ugu Baaqay Inuu Khilaafkiisa Ku Furdaamiyo Wada-hadal

0
359

Hargaysa (Dawan):- Musharraxa  jagadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID    C/rashiid Xasan Mataan,  ayaa ugu baaqay xisbiga Kulmiye in ay khilaafkoodda ku dhammaystaan wada-hadal iyo isu-tanaasul, isla markaana aanu khilaafkoodu noqon mid saameeya dadka iyo dalkaba.
C/rashiid Xasan Mataan, waxa uu sheegay in xukuumadda iyo xisbiga tallada ee Kulmiye looga baahan yahay in ay bulshadda tusaan siyaasad wanaagsan, maadaama oo musharax kasta oo ka soo baxa Kulmiye uu la tartami doono asxaab kale.
Musharaxa  jagadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UCID,  oo shalay  dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu  muddo laba bilood ah dalka Britain safar ugu maqnaa oo warbaahinta la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa.
“Waxaan doonayaa in aan kelmad ka idhaahdo arrinta Khilaafka  xisbiga Kulmiye.  Xisbigaasi waa xisbi qaran, waxaanu leenahay  khilaafkiina ku dhammaysta wada-hadal iyo isu-tanaasul, oo yaanay noqon mushkilad dalka iyo dadkaba ku abuurta khalkhal,”.ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan.
 
“Hoggaan kasta ama musharax kasta oo ka soo baxa xisbiga Kulmiye, waxa uu la tartami doonaa xisbiyo kale, markaa waxaa u habboon xukuumadda iyo xisbigaba in ay dadka tusaan, wax ay ku tartamaan.Waxaan ku boorinayaa in ay arrimahamoodda ku dhamaystaan isu-tanaasul, ee aanu noqon khilaafkaasi mid saameeya bulshadda iyo dalkaba,”ayuu yidhi C/rashiid Xasan Mataan.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply