Abaar iyo Biyo La’aan Saamayn ku Yeeshay Nolosha oo ka Taagan Degaannada Koonfurta Hargeysa

0
334

Hargeysa (Dawan)- Abaar iyo biyo la’aan baahsan, ayaa ka jira deegaannada degmada Fara-weyne oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo meelaha qaar ay u  dheer tahay  baahiyo dhanka adeegyada bulshada ee aasaasiga oo aad u liita.
Dhulka ugu daran ee ay abaartu saameysay waxa ka mid ah Dacarta oo ka mid ah degaannada ugu ballaadhan degmada Faraweyne, halkaasoo abaartu marayso heer ay xooluhu dhintaan, dadkuna halis ugu jiraan harraad iyo gaajo, sida ay sheegeen maamulka iyo waxgaradka degaanku.
Degaanka oo ay aad ugu yaraayeen roobabkii gu’gu, una badan xoolo-dhaqato iyo beeralay, ayaan taakulo ka helin dawladda iyo hay’adaha gargaarka, waxayna dadka degaanku intaa ku dareen in dallaggii beeruhu ka ba’ay sannadkan markii biyo ku filan uu waayey, adhiga iyo lo’duna bilihii u dambeeyey waajaheen xaalad dhimasho.
“Adhiga iyo lo’du imminka ayey bilaabeen inay bakhtiyaan gaajo darteed, geeluna wuu ku daba jiraa haddii aan Ilaahay (SWT) faraj nala soo gaadhin, dadkuna waa xigayaa.” Sidaa waxa yidhi oday la yidhaah Cismaan oo la hadlay weriyeyaal booqday degaanka Dacarta ee Faraweyne.
Waxa uu intaas ku daray, “Abaartani waa tii ugu adkayd ee taariikhda inta la xasuusto na soo martay, meeshuna marka horeba may lahayn ilo-biyoodyo kayd ah oo marka roobku yar yahay cirka dambe lagu baxnaaniyo. Waxa ku yaal dhaam weyn oo loogu talogalay inay degmada oo dhan ka faa’iidaysto oo ay hay’ad qoday. Nasiib-darro isagoo kala badh maraya ayey hay’addii joojisay qodistiisii, ilaa haddana cid u dhaqaaqday dawlad iyo hay’ad toona ma jirto.”
Mr. Cabdiwahaab Maxamed Xuseen oo ka mid ah dhallinyarada degaankaas, ayaa sheegay in aanay dawladdu waxba ka qaban baahiyaha bulshada ilaa sannadkii 1991-kii oo ahayd markii Somaliland la soo noqotay xornimadeeda, marka laga yimaad dugsi saddex qol ah oo loo dhisay degaanka.
Guddoomiyaha tuulada laga xukumo degaankan Mr. Cabdi Cabdillaahi Yey (Cabdi-rows) oo ah, ayaa sheegay in baahida ugu daran ee degaankaas ka jirta tahay biyo la’aan nolosha dadku halis ku jiraan iyo adeegyadii dhanka caafimaadka oo aan haba yaraatee ka jirin, taasoo uu sheegay inay u sii nuglaysay duruufaha dabiiciga ah ee ku habsaday.
“Hadda waxa noogu daran biyo la’aan, dadkuna beerka ayuu dhulka ku hayaa, xoolihii waxay afka saaraan ma haystaan, dadkuna waxba kuma noola,” ayuu yidhi Mr. Cabdi-rows, “Xarun caafimaaad ma lihin, ma haysano gaadiid haddii qof sakaraado lagu geeyo cusbitaal, dumarkana marka fooshu qabato waa in Hargeysa loo qaado ama Fara-weyne, meelahaasna gaadiid lagu gaadhsiiyo ma haysanno, kolkaa xaaladdayadu waa sidaas. Baahi wax noo dhiman garan mayno, dawlad iyo cid kale toona oo gurmad aannu ka helnay ma jiraan.”
Guddoomiye Cabdi-rows, ayaa sidoo kale ugu baaqay dawladda Somaliland inay gurmad degdeg ah lala gaadho dadka iyo duunyada ku dhaqan degaankaas, waxaannu yidhi; “Dawladda waxaannu ugu baaqaynaa in na loo soo gurmado, Ilaahay ayaa gurmad lehe, weliba waxaannu codsanaynaa biyo iyo adeeg caafimaad, si nolosha dadka loo badbaadiyo Ilaahay ayaa wax badbadiyee.”
Mr. Cabdixakiim Maxamed Xuseen (Xayle Qasbaaye) oo ka tirsanaa golihii hore ee degaanka Hargeysa, xubinna ka ah wefti xaqiiqo-raadin u tegay degaanka Dacarta ee koonfurta Hareysa oo isugu jira aqoonyahanno, masuuliyiin iyo waxgarad, ayaa ugu baaqay dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan inay taakulo degdeg ah la gaadhaan bulshada ku dhaqan degaanka iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Faraweyne.
Waxa kaloo Mr. Qasbaaye ku canaantay masuuliyiinta dawladda ku jira ee ka soo jeeda deegaankan inay indhaha iyo dhegaha ka furaysteen dayaca iyo dar-xumada haysta degaanka Dacarta, isagoo xusay in cawaaqib-xumo miisaan culus ka dhalan doonto haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply