Wasiirro Farriin Dar-daaran Ah U Diray Xubnihii Is-Casilay Golaha Xukuumadda

0
288

Hargeysa(Dawan):- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa farriin dardaaran iyo waano ah u diray Xubnihii iska casilay dorraad xilalkii ay hayeen isla markaana sheegay in aanay is caslilaadooda xumaan u arkayn waxna aanay u dhimayn walaalnimadii iyo kal-furnaantoodii hore.Waxaa kale oo ay kula dardaarmeen xubnaha is casilay in aanay dhankooda iyaguna  wanaagii  ilaawin waxaanay u balan qaadeen in tartanka KULMIYE noqonayo mid xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.
Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) Tamarta iyo Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale,Caafimaadka Dr.  Saleebaan Ciise Xaglotoosiye iyo Ganacsiga Dr.  Muuse Qaasim  oo shalay warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga   ee Hargeysa,  dhanka kale saaxiibadooda xilalka iska casilay duco ku sagootiyay.
Wasiir Cadami,   oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Somaliland waa nabad oo xalay(habeen hore) dadku nabad ayuu ku seexday  kuna soo toosay wax belaayo ah oo dalka ka jirtaana ma jirto, saaxiibadayada aanu inta badan soo wada shaqaynaynayna wax xumaan ah oo naga dhaxaysaa ma jirto habeen  ayaanu sii kala maqanahay in la kala waji dadbo iyo xumaanina meesha ma taallo,qof kastaana  fikirkiisa iyo masiirkiisa xor ayuu u yahay la iskuna ceebsan maayo laguna kala tegi maayo.”
 
Wasiirka Macdanta oo shirkaa wasiirada ka hadlay ayaa isna yidhi “Wasiirada Is casilay xaqbay u leeyihiin ,waa walaaladayo ,waa saaxiibayo ,wada shaqayn baa naga dhaxaysay ,aflagaado ka daba tuuri mayno ee waan u ducaynayaa in aanu alle talada ka khaldin ,Xor bay u yihiin inay ka tagaan ,waan u ducaynayaa marlabaad wasaaradihii ay ka tageena Madaxwaynuhu hawsheeda ayuu ku jiraa.”
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise oo isna halkaa ka  hadlay yidhi.“Imika waxaynu gelaynaa xilli doorasho iyo loolan loolankuna wuu hadalo badan yahay cadho ayuu keenayaa  hirdan siyaasadeed ayuu leeyahay laakiin waa in  tartan aan turxaan lahayn la wada galaa.”
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka isna halkaa ka hadlay,ayaa yidhi “Shalay  (doraad) Wasiiradii is casilay horta Madaxwaynuhu waa ka aqbalay istaqaalada ,Laaakiin maamnu jeclayn inay naga tagaan rag aanu inbadan soo wada shaqaynaynay ,mana rabin in saaxiibaday naga baxaan ,laakiin waa siyaasad oo dee qofwaliba waa xor ,KULMIYE shirkiisuna waa qabsoomayaa si fiicana wuu u dhacayaa inshalaah ,amaanka somaliland mar uu maanta ka fiicanyahy ma jirto “.ayuu yidhi Cismaan Saxardiid Cadaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply