Khubarrada Caafimaadka Oo Caddeeyey In Qaybo Kamida Dharku Sababaan Xanuunka Cancer-ka

0
600

khubaro caafimaad oo ka socotay wadanka Sweden,gaar ahaana jaamacadda Stockholm University  ayaa sheegay in maryaha dadku xidhaan qaar badan oo kamid ahi yihiin kuwo keena inuu qofka ku dhaco xanuunka Cancer-ka loo yaqaanaa.
khubaradan ayaa sheegay in kiimikooyinka lagu sameeyo maryahaasi in ay yihiin kuwa xanuunkan sababa,kadib marka la xidho ee ay dhididka dadka la falgalaan,sidoo kalena waxay intaasi raaciyeen in xataa haddii la maydho ay maryahaasi noqdaan kuwo laga qaadi karo xanuunkaasi.
khubaradan oo baadhitaano ku sameeyey dhar badan oo kuwa caalamka lagu xidho ah ayaa sheegay inay ka heleen dharkaasi xadi aad u badan oo Chemicals ah ,kuwaas oo waxyeelo badan qofka soo gaadhsiin kara.
warbixin ay khubaradani soo saartay ayay ku cadeeyeen in ay jirto sun badan oo ay wershaduhu dharkaasi geliyaan kuna sameeyaan,sidoo kalena ay jirto kuwo marka la dhoofinaayo ama meel loo qaadaayo ama laga raraayo wershada lagu shubo ,taas oo samayn karta Xanuunkaas oo qofka ku dhacana keeni karta.
khubaradan ayaa sheegay in ay heleen intii ay baadhitaanka wadeen laba sumood oo kimikooyin ah ,kuwaas oo dharka ku jira ,waxaanay ku tilmaameen labadaasi inay kala yihiin Alheinolin iyo Aromatic Amines ,kuwaas oo si fudud qofka xanuun ugu keeni kara.
waxaanay ku taliyeen khubaradani in wershadaha lagu amro inay suntan faraha badan ka yareeyaan dharka,sidoo kalena baadhitaano dharka lagu sameeyo.
Professor Joanna Longo oo ka socotay jaamacaddaasi Stockholm University ayaa sheegay in aan laga shakisnayn in suntan faraha badan ee ka imanaysa Chemicals ku inay keeni karto khatar badan oo dhinaca xanuunada jidhka ku dhaca ah,gaar ahaana kuwo jidhka ku keenaaya Infection .
dharka oo la maydho ayay khubaradani sheegeen in aanay yaranin chemicals ka ku jira ,laakiin in laga dhex heli karo hadii si walba loo maydho xadi fara badan oo Chemicals kaas ah oo dharka ku jira ,saamayna ku yeesha jidhka.
 
 
 

Leave a Reply