Qiso: Ha Ku Degdegin Jawaabaha,Si Aan Khalad Kaaga Dhicin!

0
425

Nin miskiin ayaa maalin wax weydiistay qoys dabaq sare degenaa isagoo albaabkooda garaacay . Ninkii guriga lahaa  ayaa daaqada ka eegay oo arkay ninka albaabka garaacaya. Waxaana uu ku yidhi : “ Maxaad doonaysaa?” .
Miskiinka ayaa ku yidhi soo dega markaasi ayaan kuu sheegiye . Ninkii guriga lahaa aya soo degay. Miskiinkii ayaa ku yidhi “ waxaan ahay nin faqiir ah oo aan waxba haysan waxaan ka codsanayaa inaad wax isiiso. Ninkii guriga laha ayaa aad u cadhooday laakiin ma muujin, waxaana uu ku yidhi ina mari fooqa.  Markii ay soo gaadheen dabaqii sare ayuu ku yidhi  “ Allah ha ina siiyo, ee iska noqo, waxaan ku siino ma haynee”.
Miskiinkii oo yaaban ayaa ku yidhi “Oo maxaad intaasi ii odhan weyday markii aan hoosta joognay ee aynaan soo korin fooqa?”. Ninkii ayaa ugu jawaabay “ Oo maxaad adigu wax ii weydiisan weyday anigoo fooqa jooga oo aad isoo dejisay “?  Waxa jira dad markiiba aar guta oo aan lahayn dulqaad iyo tixgelin, ogow hadii khalad kugu dhaco in aanad noqon mid isla markiiba jawaaba si aan gef  kaaga dhicin!

Leave a Reply