Ouattara oo Mar Labaad Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtinimada Dalka Ivory Coast

0
358

Wararka ka imanaaya dalka Ivory Coast ayaa waxay sheegayaan in doorashadii madaxtinimada ee dalkaas uu markii labaad ku guulaystay madaxweyne Alassane Ouattara. Waxa la sheegay in madaxweynuhu doorashada ku guulaystay boqolkiiba sideetan codadkii la bixiyay.
 
Doorashada oo ah tii ugu horaysay tan iyo doorashadii 2010, oo natiijadeedii ka dhashay dagaal ay ku dhinteen saddex kun oo qof.
Dhowr musharax oo mucaarad ayaa ka baxay doorashada sanadkan iyagoo ka cabanaya inaysan doorashada ku dhacay si xor iyo daacad ah.
Laakiin kormeerayaasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida ay doorashada u dhacday. Mr Ouattara oo u shaqayn jiray IMF ayaa ku ololeeyay doorashada inuu dhaqaalaha Ivory Coast sare u qaadi doono, iyadoo Ivory Coast ay tahay waddan soo saara Cocoaha ugu badan adddubka.
 

Leave a Reply