Iran Oo Shaacisay Inay Ka Qayb Gali Doonto Wada Hadalada Dhinacyda Isku Haya Suuriya

0
361

Wararka ka imanaaya dalka Iran ayaa waxay sheegayaan in wasiirka arrimaha dibadda ee dalka uu sheegay in dawlada Iraan ay ka qayb gali doonto wadahadalka dhinacyada isku haya dalka Suuriya oo jimcaha todobaadkan furmi doona Vienna. Dawlada Iranw waxay sheegtay in wada hadaladaa uu uga qayb gali doon wasiirkooda arrimaha dibada Moxamed Javad Zarif.
Waa markii ugu horaysay ee ay Iran oo taageerta madaxweyne Assad ay ka qayb galayso wadahadal caalami ah ee Suuriya.
Iran ayaa dhawaan kordhisay howlaha milatari ee lagula dagaalamayo kooxda IS. Qaar kamid ah mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in ka qayb galka Iran ee wadahadalka ay arrinta sii adkaynayso.

Leave a Reply