Maxaad Ka Taqaanaa 10 Wadan Ee Afrika Ugu Musuq Maasuqa Badan?

0
459
  1. Democratic Republic Congo/Kinshasa:Waddankani waa wadanka Afrika lagu tilmaamo inay ku jirto macdan badani,waana wadan dadkiisu aad fuqaro u yihiin,waxaana madaxweyne ka ahaan jiray madaxweynihii caalamka ugu musuqa badnaa Mobutu Sese-Seko.

wadankan waxa uu caan ku yahay Copper oo laga helo inta badan gobolka Katanga ,sidoo kalena waxa jira Dahabka iyo macdanta loo yaqaano Uranium-ta oo ah macdanta laga sameeyo hubka wax gumaada oo laga helo wadankaasi,waxa sidoo kale laga helaa macdanta Coltan oo iyaduna kamid ah macdanaha caalamka dhifka iyo naadirka ku ah ,taas oo laga sameeyo qaybo kamida mobiles-ka Chip-ka ku jira..
madaxweynaha dalkaasi waxa uu maamulaa qaar badan oo kamida shirkaddaha macdanta wadankaasi ka qora oo uu isagu lee yahay ,kuwaas oo macdanta wadankaasi u iibiya hab aan la xisaabtan lahayn.
4:Chad:wadankani waa wadanka kaalinta afraad ka galay dhanka musuq maasuqa wadamada ay warbixintani soo qortay,waana wadan kamida wadamada ugu caawimada badan ,marka la eegaayo warbixin ay dhowaan soo saareen Baanka Adduunka iyo sidoo kalena hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
wadankan ayaa caan ku ah saliid tiro badan oo beebabka qaadaa isaga gooshaan wadankaasi ilaa wadanka Cameroon,waxaana lacagaha ugu badan ku bixiyey hay’adda IMF iyo Baanka Adduunka,iyada oo la geliyey lacag badan.
wadankan aaa lacagaha ugu badan warbixintu sheegtay inuu geliyo hubka ,kaas oo ay kaga baxdo lacag dhan ilaa $30 million oo lacagta Maraykanka ah.
5: Equatorial Guinea:wadankan ayaa kamid ah wadamada saliida ugu yari kasoo baxdo caalamka,waana wadan kamida kuwa caalamka ugu musuqa badan,iyada oo ay dhibaato haysato shirkaddaha wadankaasi ka shaqeeya oo cadaadis dhinaca dalkaasi ahi saaran yahay.
shirkadda Exxon Mobil ayaa sheegtay qoraal ay dhowaan soo saartay in madaxweynaha dalkaasi yahay ka ugu musuqa iyo cadaadiska badan,madaxweynaha dalkaasi  Teodoro Obiang Nguema ayaa ah mid muddo dheer xilkaasi soo hayey.
hay’addaha caalamka ayaa sheegay in weli ay tahay dawlada dalkaasi mid faraha kula jirta musuqa dalkaasi ka jira oo ay kaalinta kowaad iyadu kaga jirta.
Lasoco………………………………………………………………………………………………..
 
 

Leave a Reply