Xuquuda Bulshadu Isku Leedahay

0
732

Islaamku wuxu dhisay bulsho adag oo isku xidhan. Waxay isku kaalmaystaan wanaagga iyo iyagoo xumaantana isaga diga. Wuxu ku dhiirgeliyay bulshadiisa inay si fiican oo kalgac leh u wada noolaadaan hadii ay nolosha jaar ka noqdeen ( guryaha ama shaqada).
Axaadiistan oo ah kuwo sexeex ah waxay si weyn  u muujinayaan xaqa jaarku isku leeyahay.
Ibn Cumar iyo Caa’isha (RC) waxay yidhaahdeen: Nebigu(scw) wuxuu yidhi: “Malakul Jibriil wuxuu mar walba aad igala dardaarmayey xuquuqda Jaarka, wayna ku weynayd ilaa aan is idhi waxa lagu farayaa inay is dhaxlaan “. (Bukhaari iyo Muslim)
Abuu Darr (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: “Abuu Daroow markaad diyaariso maraqa waxoogay biyo ah ku kordhi, oo eeg hadday dariskaagu wax uga baahan yihiin”. (Muslim)
Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Allah (sw) ayaan ku dhaarane, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma buuxsamin “. Waxaa lagu yidhi: Rasuul Alloow waa kuma? Wuxuu yidhi: “Waa qofkii jaarkiisa aan ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa “. (Bukhaariiyo Muslim)
Werinta Muslim waxay leedahay: “Kaasi ma geli doono Jannada haddii aan jaarkiisu  ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa.
Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Haweenka muslimka ahoow! yay midkiin jaarkeeda hoos u eegin (xaqirin) oo u arag wax liita xitaa hadday kuugu  keento hadyad qoob Riyaad (ka qaado una mahad celi)”. (Bukhaari iyo Muslim).

Leave a Reply