Jawigii Madashii Uu Xilka Kula Wareegay Wasiirka Cusub Ee Cadaallada Iyo Martidii Ka Soo Qeyb-gashay

0
360

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka cusub ee wasaaradda cadaalada Axmed Faarax Cadarre, ayaa si rasmiya xilkii ugula wareetgay shalay  Wasiirkii hore ee cadaalada iyo garsoorka Xuseen Axmed  Caydiid,  oo dhawaan  iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayay.
Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee wasaaradda cadaallada  iyo Wasiirkii hore oo shalay lagu qabtay Huteel Royal ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare,  xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , taliyaha ciidanka asluubta,  taliye ku xigeenka ciidanka  asluubta iyo  Wasiirradii hore arrimaha dibada madaxtooyadda, Xildhibaan Axmed Kijaandhe iyo marti sharaf kale.
 
Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaalladda  Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sunaha dawladnimo ay tahay in  uu xilka wareejiyo waxaanu  yidhi “Waa sunaha dawladnimo in qofku maalinba hawsha qaranka meel ka galo. Waxaana badalkani ku yimi rabitaan iyo go’aan aniga xagayga ka dhashay  in aan halkan  ku hakiyo shaqadii Wasiirnimo ee aan ka hayay wasaaradda  waxaana mudadaa aan Wasiirka ahaa noo suurto-galay in aanu dejino qorshe balaadhan oo shan sannadood ah oo ahaa qorshaha dib u habaynta cadaalada waana qorshe qayb ka siinaya hay’adaha cadaallada ee wada shaqaynta  leh inaanay  kala hadhin oo si siman u wada hawlgalaan.”
Wasiirka cusub ee wasaaradda cadaalada Axmed Faarax Cadarre oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore halkii uu soo gaadhsiiyay wasaaradda  waxaanu  yidhi  “Siyaasadu waa meel Aan lagu kala tagin,  laakiin Wasiirkii hore wuu ku mahadsan yahay meeshii uu gaadhsiiyay wasaaradda taariikhda ayaa ku xusi doontaa qarankan waxa majaraha u haya mujaahid soo halgamay  oo ku suntan oo doonaya inuu taariikh ka tago waxa kale oo  ammaan mudan in bahdii cadaallada aan  u balan-qaadayo in aan iska kaashano sidii loo horumarin lahaa cadaallada.”
 
Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali oo isaguna halkaasi  ayaa tilmaamay inuu wax-qabad muujiyay Wasiirkii hore  mudadii uu hayay xilka wasaaradda waxaanu   yidhi  “Intii uu hayay xilka wasaaradda cadaalada waxa uu muujiyay karti iyo waxqabad taasi waa mid lagu ammaanayo  qaranka iyo dadkiisana wuu u qabtay Wasiirka cusubna waan soo dhawaynaynaa  wada shaqayna waanu lahayn dhaMmaan hay’adaha cadaalLada waxaana u rejaynayaa Wasiirka cusub inuu  wax-qabad sameeyo wada shaqayn fiicana la yeesho hay’adaha cadaalada iyo qarankaba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply