Lixdan Sano Ayuu La Noolaa Xayawaanada Kaymaha!

0
442

Wargeyska Daily mail ee Ingiriiska ah ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa nin lagu magacaabo Mickel Peter oo da’diisu tahay 84 sano oo ku noolaa dhulka kaynt Cape York.
Sida Daily  mail daabacday ninkan ayaa kaynta ku noolaa muddo 60 sano ah. Mudadaasi waxa uu dagaal iyo halgan la galay Yaxaaska, iyo dhamaan xayawaanada kale ee debed galeenka ah.  Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Michel ku dhashay Gorgia oo qayb ka ahayd dhul weynihii Ruushka , qoyskiisuna ay u carareen Japan dabayaaqadii sanadkii 1930.
Bogga Daily mail ayaa intaasi ku daray in Michel u guuray magaalada Segni ee Ustareliya isagoo da’diisu ahayd 24 sano. Halkaasi ayuu uga gudbay dhulka kaymaha ah ee waqooyiga dalkaasi. Laakiin sanadkii 1959 ayay dadka deegaanku ka nabad geliyeen markii ay arkeen isagoo gaajo uga dhimanaya kaynta uu ku badan yahay Yaxaaksu. Booliiska oo xanaanayn jiray ayaa 1964 u maleeyey inuu waalan yahay , ka dib markii uu qaawaan ku socon jiray isla markaana ay ku arkeen dhaqanka dadka aan miyirka qabin. Intaasi ka dibna waxa la geeyay xarumaha lagu daweeyo xanuunada nafsaaniga halkaasi oo uu ku jiray ilaa sanadkii 2012 , iyadoo markii danbe ee uu la qabsaday nolosha caadiga ahna la geeyay xarumaha lagu xanaaneeyo dadka da’da ah.

Leave a Reply