Saxaafadda Maraykanka ayaa soo bandhigtay in gabadh dalkaasi u dhalatay ay walaalkeed ku xidhay qol aad u cidhiidhi ah oo aan nadaafad lahayn isla markaana ay baran barooyin iyo nadaafad daro ku badan tahay.
Sida ay baahisay shebekada CNN booliiska ayaa gurigaasi oo ay lahayd gabadha Mount Morris oo ku yaallay Washington ka baadhayay nin muddo la waayay oo ay dadka deegaanku sheegeen in aanay ogayn meel uu ku danbeeyay.
laakiin nasiib daro Booliiska ayaa si kedisa ah oo naxdin iyo yaab ku noqotay qol gurigeeda ka mid ah ugu tegay odaygaasi oo da’diisu ahayd 62 sano isagoo keligii halkaasi jiifa oo lugahana ka xidhan.
Odaygan ayaa ah mid aan socon Karin isla markaana muddo 7 sano ah ku xidhanaa qolkaasi isagoo maalinkii hal mar keliya ay cunto siin jirtay.
Booliiska ayaa isbitaalka u qaaday si loogu daweeyo iyadoo xabsigana loo taxaabay gabadhii ay walaalaha ahaayeen iyo ninkeedii si kiiska ay galeen loogu qaado.