Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Warbixisay Kulamo Ay La Yeesheen Saraakiil Ka Socday Hay’adda DFID

0
279

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka warbixisay kulamo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay la yeesheen masuuliyiin ka socday hay’adda DFID ee laga leeyahay dalka Ingiriiska, oo socdaal shaqo ku jooga Somaliland.
Wasiirku waxay sheegtay in kulamadaasi ay la xidhiidheen sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa hanaanka cashuur ururinta ee wasaaradda maaliyadda iyo sidoo kale xeerar ku saabsan sidii nidaamkaasi loo horumarin lahaa oo ay wasaaradda maaliyadu u gudbisay baarlamaanka.
 
Kulankaasi oo shalay ka qabsoomay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Hargaysa waxaa wasiirka marwo Samsam Cabdi Aadan, ku wehelinayay wasiirka arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shirre, wasiirka duulista Cismaan  C/laahi Saxardiid, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Xasan Ibraahim, iyo saraakiil ka  socday hay’adda DFID.
 
marwo Samsam Cabdi Aadan, oo saxaafadda uga warbixisay kulamadan ay la yeelanayeen maalmahanba masuuliyiintani ka socday hay’adda DFID, waxay tidhi  “Waxaanu  shalay ilaa  maanta shir kula jirnay ku saabsan  dib u habaynta lagu samaynayo   wasaaradda maaliyadda, cashuuraha iyo Kastamadda,  shan xeer oo aanu gudbinay baarlamaanka. Waxaananu shalay iyo maanta kulamo la yeelanay masuuliyiin ka socda hay’adda Ingiriiska ah ee DFID, waxaanay DFID ka mid tahay hay’adaha inaga caawinaya  dib u habaynta cashuuraha. Waxaananu isla eegaynay sida ay u shaqaynayaan waxyaabaha la soo dhigay ee la doonayo  in wax laga wada qabto”.
 
Waxa kale oo ay sheegtay wasiir Samsam in madaxdani ka socday DFID  ay doonayaan in ay macluumaad badan ka ogaadaan hanaanka cashuur ururinta ee Somaliland, iyo sida ay hay’adda DFID Somaliland uga caawin karto  casriyaynta nidaamka cashuuraha loo ururiyo.
 
“Saraakiishani ka socda hay’adda DFID waxay doonayaan in ay  macluumaad  badan ka ogaadaan  Somaliland, waayo waxaynu nahay dal aan muddo 24 sanadood ah helin  dhaqaalaha waaweyn ee la siiyo wadamadda caalamka ee xorta ah. Sidda kaalmadda laba  geesoodka ah, ee ay bixiyaan IMF ama baanka aduunka, oo hadana shaqaalihiisu ay mushaharkoodda helaan bil kasta  dhamaadkeedda,taasi oo ku noqotay wax la yaab leh.  Waxaanaynu halkaasi ku gaadhnay dadkeena oo cashuuraha si fiican u bixiya, iyadoo ay weliba dadka reer Somaliland ee cashuur bixyeyaasha ah oo  u heelan  in Somaliland ay cagaheedda isku taagto”ayay tidhi wasiirka maaliyadda.
 
 
 
Wasiirka oo hadalkeedda sii wadatay waxay tidhi “Markaa inta la samaynayay  waa intaa, ee laga shiidaal qaadanayay, oo aan sidda wadamadda kale ee aduunka qaarkood dadka lagu khasbaynin in ay cashuurta bixiyaan, iyadoo dalka oo aanay waxba jirin ay hadana dadku cashuurta bixinayeen. Markaa arrimahaasi ayaanu ka wadahadlayanay,  waxyaabo badan oo ay na yidhaahdeen waxaa loo baahan yahay    in aynu hagaajino si aynu aduunka ula jaan-qaadno, iyo waxyaabo kale oo loo baahan yahay in  inaga lafteena la inaga barto ayaa jira.
Arrimahaasi ayaanu is-waydaarsanay, warbixinihii la soo qoray ayaanu akhrinay, halkaa, halka kale ee looga dhaqaaqayo ayaanu eegnay,  cashuurna lama kordhinayo, oo cashuur kordhinba uma baahna dalkeenan habeen iyo maalinba waxaas oo horumar ah ku gaadhay   cashuurta dadkoodda laga soo ururiyay in ay wax ku samaystaan”.
Dhinaca  kale wasiirku waxay   ka hadashay   qodobada ay isla garteen masuuliyiinta ka socday hay’adda DFID in wax laga qabto.   Waxaanay  tidhi   “Waxaanu isla garanay sidii arrimahaasi loo hagaajin lahaa,  dib-u-habayn loogu samayn lahaa, oo uu qofku cashuurta bixiyo isagoo faraxsan oo dareemaya in lacagtaasi uu bixiyay dalka wax loogu darayo, ka cashuurta qaadanayaana in aanu dadka kadeedin, ama aanu al-baabo xidhin, ee uu si wanaagsan ula macaamilo.
 
In meelo badan wax laga bedelo, sida  qaabka aynu imika u shaqaynaa aanu la jaan-qaadaynin sida dunida cashuuraha loo ururiyo, ama aynu horumar ku gaadhayno, ama xeerarka loo hagaajinayo, iyadoon  qofna  la khasbaynin. Markaa taasi ayaanu laba maalmood isla lafo-guraynay, welina nooma dhamaan, oo wuu sii soconayaa ilaa laba saacadood oo danbe”.
By: Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply