Da'da Dumarku Ku Umulaan Waxay Xidhiidh La Yeelataa Cimrigeeda

0
576

Khubaro saynisyahano ah oo dhowaan daraasad soo gebo gebeeyey ayaa ugu dambay sheegay inuu jiro farqi u dhexeeya nolosha dheer ee dumarka iyo umusheeda ugu horeysa ama ilmaha kowaad ee ay umusho.
daraasadan ayaa lagu sameeyey tijaabo dumar gaadhaaya 322-972 dumar ah oo ka socday ama ku nool ilaa 10 wadan oo caalamka ah,waxaanay khubaradani xooga saareen xidhiidhka ilmaha kowaad ee ay hooyadu umushaa ku lee yahay cimrigeeda oo dheeraada ama gaabta.
kooxdan saynisyahanada ah ayaa sheegay in Hormones-ka ama dheecaanada keena in gabadhu uur qaado ay noqdaan kuwo diyaar noqda markasta oo ay qaan gaadho,kuwaas oo haddii ay inantu hore u guursato keento inuu fur furmo jidhkeedu,sidoo kalena uu soo daayo jidhku dheecaano kale oo koriya jidhka inanta,taas oo ah ta keenta inay inanta baruuri ku saa’ido.
waxa kale oo ay sheegeen in haddii ay inantu raagto oo aanay hore u guursan ay keento inay khal khalaan dheecaanadaasi,taasina ay keento inay noqon karto gabadhu mid cadho badan,hadhowna ku keena cimri deg deg iyo xanuuno dhiig karku kamid yahay.
khubaradan ayaa cadeeyey in dumarka ku guursada kuna umula da’doodu markay tahay 26 ilaa 30 ka sanno inay ka cimri dheer yihiin kuwa xiliyada dambe ee da’dooda guursada ,sidoo kalena umula.
waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in hooyada yaraanta ku guursata kuna umusha ilmeheeda kowaad ay wax tar badan ka hesho caanaha naaska ee ay ilmaha siinayso oo noqda kuwo caafimaadkeeda kor u qaada.
waxaanay khubaradani kusoo gunaanadeen daraasadan in loo baahan yahay in dhalinyaradda lagu bararujiyo inay yaraanta ku guursadaan ,si ay ubad u helaan caafimaadkooduna u noqdo mid dhamaystiran.

Leave a Reply