Masxafka Caalamka Ugu Yar Oo Laga Sameeyey Faransiiska

0
330

waxa markii ugu horeysa dalkaasi Faransiiska lagu soo bandhiga Masxafka ugu yar caalamka oo laga sameeyey dalkaasi Faransiiska,kaas oo soo jiitay indha warbaahinta caalamka.
masxafkan ayaa ah mid aad u yar oo ka kooban qolal yar yar iyo guri yar oo nin u dhashay dalkaasi Faransiisa,waxaana qolkaasi oo ah nooca caruurtu ku ciyaarto oo kale dhexdooda uu ninkaasi dhigay,kuwaas oo ah mid aad loo nidaamiyey.
guriga waxyaalahan lagu sameeyey ayaa ah mid aad u yar oo le’eg Computer-ka ,kaas oo laga dhex helaayo qolal kala duwan oo ay yaalaan waxyaalo kala duwan oo soo jiidasho leh.
masxafkan ayaa lagu soo bandhigay magaalada Lyon ee wadankaasi Faransiiska,taas oo noqday mid aad usoo jiitay dadkii daawanaayey iyo dalxiiseyaal dalkaasi booqasho ku tagay labada.
waxyaalo kala duwan oo taariikhi ah ayaa laga dhex heli karayaa gurigaasi yar ee noqday masxafka ugu yar caalamka,waxyaalahaasi oo ay kamid yihiin xayawaanadii noolaan jiray waqtiyo hore ,sida dinasoorta oo kale.
warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawiro badan oo laga soo qaaday gurigaasi iyo ninka sameeyey intaba,kuwaas oo bilic ahaan ahaa kuwo aad usoo jiita dadka iyo warbaahinta intaba.
waxaanu gurigaasi sidaasi ku noqday guriga ugu yar caalamka ,gaar ahaana masxafka ugu yar caalamka ee la sameeyo lagana helo waxyaalahaasi taariikhiga ah.
 

Leave a Reply