Maxaad Ka Taqaanaa 10 Wadan Ee Afrika Ugu Musuq Maasuqa Badan?

0
380

6: Cote d’Ivoire:Wadankan sidoo kale waxa loo yaqaanaa Ivory Coast,waana wadan ay dagaalo ragaadiyeen,waana wadan aad ugu caana dhanka beeraha iyo ganacsiga,waxa uu aad u soo saaraa midhaha loo yaqaano cananiska iyo sidoo kalena saliida geedka loo yaqaano,kaas oo ay shirkaddo badani ka ganacsadaan,waxaana inta badan shirkadahaasi gacanta ku dhiga wasiiro iyo shakhsiyaad gaara oo lacago kasoo galaan.
7: Sierra Leone:wadankan ayaa ah wadamada iyaguna dagaalada kasoo kabtay dhowaan,waana wadan ay muddo badan kasoo socdeen dagaalo sokeeye,waxaanay dawladii ugu dambaysay samaysay guddi la yidhaahdo Anti-Corruption ,taas oo iyaduna 9 bisha December u qoondaysay inay noqoto maalinta la dagaalanka  Musuq maasuqa,waxaanay gaadhey heerka wadankaasi ee musuq maasuqu 95%,isaga oo saameeyey qaybaha kala duwan ee dawlada.
wadankan ayaa caan ku ah macdano kala duwan,kuwaas oo ay ugu badan tahay Diomond tu,waana waxa inta ugu badan laysku laayo wadankaasi,iyada oo sidoo kalena ay macdantoodu tahay mid aad u tayo badan.
waxaana dhibaatada ay macdantu ku hayso wadankaasi laga metelay film-maan uu ugu dambeeyey ka lagu magcaabo Black Diomond oo ah mid aad u xiiso badan ,tilmaamaayana dhibaatada ay macdantu dalkaasi ku hayso.
 
 
 
 
 
 
 
 
Lasoco…………………………………………………………………………………………………

Leave a Reply