Ruushka:Magaalo Aan Dunida Kale la Mid Ahyan!

0
463

Magaalada dalka Ruushka ku taalla ee Salekhard ayaa noqotay magaalo dunida inteeda kale ka duwan iyadoo ay taasi ugu wacan tahay goobta ay Joqoraafi ahaan ku taallo iyo caadooyinka iyo dhaqanada dadka degan.
 
Magaalada Salehard waxay ku taalla loolka 66 ee waqooyi. Waxa magaaladan la asaasay sanadkii 1595, iyadoo ahayd qalcadii Cossack Oobdorsk Castle.
 
Magaaladan waxa wakhtigan ku nool dad gaadhaya 31348 qof  waana tiro koobkii laga qaaday sanadkan 2015. Magaaladan ayaa ah magaalo baraflay ah, dadkuna si joogto oo yaab leh ayay ugu dhex nool yihiin dhulkaasi baraf layda ah. Waxay ka dhisteen guryo qurux badan , waxay leedahay suuqyo ganacsi, dugsiyo iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo dhan. Magaaladan oo dadka dalxiisayaashu aad u tagaan ayaa dhaqaale badan ka hesha, iyagoo aad ula yaab qaabka ay dadkani ugu nool yihiin magaaladan wakhtiga intiisa badan barafka ah.
Salekhard waa xarunta gobolka Yamalo-Nenets ee dalkaasi.
 

Leave a Reply