Sacuudiga: Si Uu Inantiisa U Edbiyo Gabadh labaad Ayuu U Guuriyay Ninkeeda!

0
320

Aabe Sacuudiyaan ah ayaa sameeyay arrin aad loola yaabay. Aabahan ayaa u guuriyay ninkii qabay inanta uu dhalay gabadh labaad. Aabahan ayaa  kula taliyay inuu gabadh labaad guursado oo isaguna uu ka bixinayo wixii  kharash ku baxa sida lagu daabacay Wargeyska Bawaaba shalay.
Arrintan ayaa ka danbaysay markii ninka uu sodoga u yahay uu dhawr jeer uga soo ashkatooday Inantiisa, isagoo sheegay in aanay tixgelinin, isla markaana ay telefoon muddo dheer iskala hadasho saaxiibadeed marka uu guriga joogo. Waxa kale oo ninkani gabadhiisa kaga cawday inay guriga jaarka ah markasta joogto.
Aabahan ayaa sheegay inuu sidaasi u yeelay  si uu edebiyo gabadha uu dhalay oo aan tixgelin ninkeeda, ka dib markii uu dhawe jeer waaniyay.

Leave a Reply