Wuxu Burburinayaa Alaabta Qolka Taalla Si Cadhadu Uga Degto!

0
308

Dalka  Ruuska  ayaa laga furay xarun cusub oo marka qofku cadhoodo uu tago si uu iskii isaga dejiyo. Xaruntan oo lagu magacaabo Debosh waxay leedahay qolal la dhigay alaabooyin kala duwan oo qofkaasi jejebionayo.
Qofka cadhaysan wuxu iska bixinayaa lacag dhan $ 160- 400 iyadoo taasi ku xidhan alaabta qolka uu jejebinayo la dhigay qiimaheeda.
Mashruuca Debosh ayaa gudaha dalkaasi ka helay shacbiyad balaadhan iyagoo maalin kasta yimaadda dad tiro badan oo doonaya inay cadhada iska baabiiyaan qolalkaasi. Madaxa mashruuca aya sheegay in dadka u yimaada iyagoo cadhaysan ay ka baxaan iyagoo faraxsan , daallan oo dhididku ka da’yo , oo cadhadina ka degtay.
Yuriy Admovskiy oo khabiir cilmi nafsiga aqoon u leh ayaa sheegay mashruucani uu dadka wax badan u tarayo isla markaana dejinayo.

Leave a Reply