Sannad Ka Hor Mamnuucistii Kalluunka Dibadda Iyo Saamaynta Togan Ee Bulshada Uu Ku Yeeshay

0
302

Muddo ku siman sannad ayay xukuumadda Somaliland gaar ahan wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland ku dhawaaqday in guud ahaan dalka laga mamnuucay kalluunka noocyadiisa kala duwan ee laga keeni jiray dalalka kale, kuwaasoo uu ugu badna kalluunka laga keeno magaalooyinka dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Somaliland ayaa leh xeeb aad u dheer oo qiyaas ahaan lagu tilmaammo siddeedo boqol iyo konton kiiloo mitir, taasoo uu  ku duugan khayraad aad u badan, isla markaana kala duwan, balse xeebtaas khayraadkaas ayaa u muuqda in bulshada dalka ku dhaqani aanay u bislayn isticmaalkooda iyo lasoo bixitaanka khayraadkaas oo aan ku koobnayn kalluun oo keli ah, balse ay ka mid yihiin macdanno iyo waxyaabo badan oo kale oo waxtar badan u leh aadamaha.
Haddaba wasaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland ayaa muddadii xukuumaddan talada haysaa jirtay waxay masuuliyiintii kala dambeeyay ku dedaaleen sidii shacabka loogu wacyi-gelin lahaa, isla markaana loo tusi lahaa waxtarka balaadhan iyo khayraadka kala duwan ee ku duugan baddeena dheer, waxaanay juhdi ku bixiyeen sidii ay bulshadu baran lahayd faa’iidooyinka kala duwan ee uu leeyahay kalluunka oo aana reer Somaliland isticmaalkiisa ku badnayn, taasoo ay dhinac badan ka tuseen sida nafaqooyinkiisa, caafimaad ahaan sida uu uga wanaagsan yahay hilibka cas, fiitamiinada iyo booratiinnada kala duwan ee ku jira. Sidoo kale xanuunnada kala duwan ee uu ka hortaga iyo dawada  u yahay, si himilladaas ay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badduhu u xaqiijiso waxay dedaal dheer ah u gashay in dalka laga joojiyo kalluunka looga soo waarido waddamada jaarka iyo kuwa fogba.
Wasiirku waxa uu sheegay in Madaarada,dekedaha iyo Kastamada la dhigay amarka lagu mamnuucay Kaluunka dibada ka imanaya.
“Maanta oo taariikhdu tahay 19/11/2014 laga bilaabo wasaaradda kalluumaysigu iyo khayraadka baddahu waxa ay joojisay in dalka somaliland la keeno kaluun ka yimid dalka dibadiisa.Waxaanu dhamaan Amar buuxa siinay madaarada dalka iyo dikadaha si aanay kaluun dalka uga soo dagin,hadaanu nahay wasaarada kaluumaysiga waxaanu dhiiri galinaynaa in dalka somaliland lagu isticmaalo kaluun kooda” ayuu yidhi Wasiir Buureed.
Wasiir Buureed oo amarkiisa sii faahfaahinaya ayaa Sheegay in Kaluunka Somaliland gudaheeda uu ka jaban yahay Kaluunka Xamar laga keeno,waxaanu Ganacsatada u soo jeediyay inay Qiimaha Kaluunka hoos u dhigaan.
”Dhamaan waxaan ku wargalinayaa Kaluumaysatada dalka somaliland, in ay Jabiyaan Kaluunka dalka, kana haqab tiraan Bulshada,Markii hore dalka waxa la keeni jiray Kaluun laga keeno Xamar Maant laga bilaabo dalka waa ka mamnuuc” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysigu.
Joojinta ay Somaliland mamnuucday kalluunka laga soo waarido dalalka jaarka iyo kuwa fog ayaa saamayn togan ku yeeshay hanaanka suuqeed ee kalluunka dalka, isla markaana waxa jaanisyo fiican helay shirkado iyo iskaashatooyin ka hawl-gali jiray iibinta iyo soo saarista kalluunka, waxaana kor u kacay dhaqdhaqaaqa deegaannada xeebaha ee laga soo saaro kalluunka noocyadiisa kala, taasoo muujinaysa in tallaabadaas ay wasaaradda kalluumaysigu qaaday ay ahayd talaabo loo baahnaa, isla markaana qayb ka ah horumarka guud ee dalka iyo gaar horumarinta khayraadka baddaha Somaliland iyo sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen bulshadu.
 

Leave a Reply