Cuntada Gurigu Waxay Yaraysaa Xanuunka Macaanka Oo Qofka Ku Dhaca

0
307

Aqoon-yahanadda  caafimaadka ayaa caddeeyey in cuntada guryaha lagu kariyaa ay aad uga caafimaad badan tahay cuntada Hudheelada lagu kariyo ,gaar ahaana marka loo eegaayo xanuunada dadku inta badan ka cawdaan.
xanuunka Macaanka,gaar ahaana nooca labaad ayay sheegeen in laga badbaado marka la isticmaalo ama la cuno cuntooyinka guryaha lagu kariyo .
khubarradan oo ka socday wadanka Maraykanka ayaa caddeeyey in cuntooyinka guriga laga cunaa ay 13% yareeyaan xanuunkaasi,gaar ahaana Macaanka Nooca labaad.
Zhong oo ka socday jaamacadda Harvard University ayaa sheegay in cuntooyinka hudheelka laga cunaa inay ka caafimaad yar yihiin kuwa laga cuno guryaha ee lagu kariyo.
Khabiirradani oo intii ay daraasadan wadeen ku sameeyey tijaabo dad gaadhaaya 58 oo kun oo nin iyo sidoo kalena 41 kun oo dumar ah ,kuwaas oo ka waaweyn da’ahaan 40 sanno jir,waxaanay  sheegeen in cuntada guriga oo la cunaa ay ka hortagto xanuunkaas iyo kuwo kalena ,jidhkana ay siiso deganaan iyo nasasho.
kooxahan lagu sameeyey daraasada ayaa u shaqaynaayey sida Nurse-ta oo kale,iyaga oo koox koox loo eegayey loolana socday dhaq dhaqaaqooda caafimaad.
Culimadda caafimaadka  ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in la quuto ama la isticmaalo cuntooyinka guriga lagu sameeyo oo ah kuwo ka caafimaad badan kana tayo wanaagsan kuwa hudheelada oo aan nadaafadoodu hagaagsanayn.

Leave a Reply