Gabadhiisii Ayuu Ku Furay Markii Eygiisa Ay Ka Saartay Qolka!

0
297

Maalqabeenka Pakistaan u dhashay ee Mr.Camran Khan ayaa furay gabadhiisa ka dib markii uu ka cadhooday Eygiisa oo ay ka saartay qolka hurdada.
Idaacadda BBC qaybta Carabiga ayaa sheegtay inuu maal-qabeenku u adeegsaday telefoonkiisa furitaanka gabadhiisa isagoo farriin qoraala oo carabi ah u diray taasi oo ahayd “Waxaad furan tahay 3 dalqadood”. Camran Khan ayaa Wakhtiga uu dirayay farriinta furitaanka gabadhiisa raacayay diyuurad ka duulaysay Pakistaan una sii jeeday Magaaladda Birmingham ee Ingriiska.
Lamaanahan ayaa mudadii ay wada joogeen khilaafkoodu aad u badnaa iyadoo mar kasta uu ka dhalanayay Eyda ay ka eryayso qolka hurdada ee Camraan khan iyadoo doonaysa inay  raali geliso odaygeed, laakiin Camran ayaa Eydiisa jecel inay qolkiisa iyo meel kasta la joogaan.

Leave a Reply