Khubarrada Baadhitaanada Ka Wada Ahraamta Masar Oo Sheegay Inay Dhulka Hoose Kala Kulmeen Kulayl badan

0
317

Kooxaha ka wada baadhitaanada dhulka taariikhiga ah ee Ahraamta dalkaasi Masar ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey kulayl badan oo ay sheegeen inay kala kulmeen gunta hoose ee meelaha ay ka baadhayaan ataarta taariikhiga ah.
kooxdan ayaa ku dhawaaqday inay dhammeeyeen wejigii hore ee baadhitaanadaasi,iyaga oo intaasi ku daray inay u hadheen saddex dhagax oo waaweyn ,kuwaas oo ku xidhan meelaha hoose ee Ahraamta,kuwaasina ay yihiin kuwa kulaylka keenay.
waxay sheegeen inay waqtigan doonayaan inay u gudbaan Cheops oo ah mid kamida ahraamtaasi,kaas oo la filayo in laga helo taariikho kala duwan.
warbixintan ayay khubarradu jeedisay kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen meel u dhow Ahraamtaasi,gaar ahaana Cheops  oo u dhow Mortuary oo isna kamid ah Ahraamta Masar.
kooxdan ayaa ka socota Wasaaradda dhaqanka iyo iskaashiga iyo jaamacadda  Cairo University ,qaybteeda Engineering-ka oo ay weheliso khubarro ka socda machadka Heritage  preservation and Innovation oo ku yaalla magaalada Paris ee dalkaasi Faransiiska,waxaanu dhammaanayaa sannadka 2016.
Wasiirka dhaqanka iyo iskaashiga Faransiiska  Damati ayaa sheegay inay baadhitaanadan u adeegsan doonaan qalab casri ah oo aan waxba yeelin ataartaasi,isaga oo caddeeyey inay jirto dhibaato ka timid kulayl badan oo kasoo boodaya gunta hoose  ee Ahraam-taasi.
khubarradan ayaa ugu dambayn sheegay inay isku deyayaan inay muddo hakiyaan baadhitaanada ay halkaasi ka wadaan,iyaga oo u soo noqon doona mar kale iskuna deyi doona inay baadhitaanno dheeraada sameeyaan.
 

Leave a Reply