Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Bukaanka Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa, Deeqna Gaadh Siiyay

0
312

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa deeq xoollo nool ah  ugu deeqay dadka bukaanadda ah ee   ku jira qaybaha  kala duwan ee cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, deeqdaasi oo uu madaxweynuhu ku bixiyay lacag ahaan.
 
Madaxweynaha oo shalay   booqday cusbitaalka guud ee Hargaysa ayaa  soo indha-indheeyay xaaladaha dadka bukaanka ah ee jiifa waadhadhka cusbitaalka, qaybta  dadka qaba xanuunadda maskaxda iyo sidoo kale qaybta TB-da.
 
Waxaanu madaxweynuhu   u duceeyay dhammaanba dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka, isagoo  ALLE  uga baryay inuu caafimaad siiyo. Madaxweynuhu waxa uu  si gaar ah u booqday   siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana muddooyinkanba  xaalad caafimaad darro u jiifa cusbitaalka guud.
Maxamed Cabdi Iskeerse,  ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay booqshadan uu ugu yimid, kana  warbixiyay xaaladiisa caafimaad, waxaanu yidhi  “Al-xamdulilaahi, imika waan fiicanahay xanuun wuu jira laakiin culays farra badan ma dareemayo. Waxaanan rejaynayaa inuu Illaahay iga dulqaado, muddo ayuu xanuunkii I hayay, oo wuu igu dheeraaday, waanan u sabrayaa, waana in loo sabra  wixii Illaahay keeno. Waxaanan Illaahay ka rejaynayaa inuu dhakhso iiga dulqaado”.
“Madaxweynuhu wuu ii duceeyay, Alle ha ka aqbalo ducadaasi isagana waxaan u rejaynayaa iyo umadda Somaliland, dalka iyo dadkaba, waxaan ku rejo waynahay, oo aan kalsooni ku qabaa, si niyad ah iyo qalbi wanaagsan ayuu iigu duceeyay, in isagana Illaahay if iyo aakhiraba meel wanaagsan ku negeey.  Mana  aha markii u horaysay ee inta aan xanuunsanayo uu ii yimaado madaxweynuhu, waa markii afraad” ayuu yidhi Iskeerse.
Booqashadan uu madaxweynuhu ku tegay cusbitaalka guud waxaa ku wehelinayay  Guddoomiyaha KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, xubno ka tirsan Golaha wasiirrada, xildhibaanno Marwadda Koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo afhayeenka maaxweynaha.
Wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse),  oo ka mid ahaa wasiirradii madaxweynaha la socday ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu xoolo nool oo loo qali doono  ugu deeqay dadka xanuunsanaya   ee ku jira qaybta bukaanka, qaybta maskaxda iyo qaybta TB-da, xoolahaasi oo loo qali doono.
 
 
C/laahi  Cukuse,  oo ka hadlayay deeqdaasi iyo ujeedada kormeerka madaxweynaha  waxa uu yidhi “U jeedada kormeerka madaxweynuhu waxay tahay, ka dib markii uu soo gebagabeeyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye,  waxa uu soo booqday saaxiibkii Maxamed Cabdi Iskeerse oo cusbitaalka jiifa, iyo dadka kale ee xanuunsanaya ee ku jira cusbitaalka guud.  Waxaanu  madaxweynuhu bixiyay xoolo  Adhi ah oo loo qalayo dadka bukaanka ah ee ku jira waadhadhka, qaybta xanuunadda maskaxda iyo qaybta TB-da. Waxaanu madaxweynuhu deeqdaasi ku bixiyay lacag ahaan”.
 
Dhinaca kale  agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay deeqdan uu ugu deeqdani,  Waxaanu yidhi “Deeqdaasi iyo lacagta lagu waddo hawlaha cusbitaalka waxaa bixisay xukuumada, madaxweynahana aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply