Masaska Caloosha Dadka Kaga Dhasha Oo La Sheegay Inay Sababi Karaan Cancer-ka Caloosha

0
600

khubarro caafimaad oo u dhalatay wadanka Maraykanka ayaa sheegay in masaska caloosha ku dhasha ee loo yaqaano gooryaan calooleedku  inuu dhaliyo Cancer-ka caloosha ku dhaca.
khubarradan oo baadhitaanno waday dhanka waxyaalaha xanuunkan keena ah ayaa aad ula yaabay dhacdooyin ay la kulmeen oo ah in gooryaanku  keeni karo xanuunkaasi Cancer-ka ee caloosha ku dhaca.
dhacdadan ayaa lagu arkay kadib markii nin da’ahaan gaadhaayey 41 sanno uu u yimid dhakhtar ku yaalla Colombia magaalo ku taalla oo lagu magacaabo Medellin ,kaas oo ka cabanaayey xumad,qufac iyo sidoo kale culayskii jidhka oo lumay.
dhakhtarkan ayaa moodayey inuu qofkani yahay mid la nool AIDS-ka,laakiin markii la baadhay waxa laga helay unugyada xanuunka Cancer-ka,kaas oo uu keenay Gooryaan calooshiisa ku noolaa.
khubarradan ayaa sheegay in xanuunkani uu sabab u ahaa gooryaankaasi  oo nabaro ku sameeyey caloosha ninkaasi,kaas oo nabaradaasi ay isu bedeleen Cancer.
khubarradan ayaa baadhis ay unugyada ninkaasi ku sameeyeen ugu dambayntii ogaaday in unugyada xanuunkan Cancerka qaar badan oo kamid ahi ka yimaadeen gooryaankii caloosha kaga dhashay.
Xeel-dheereyaashaas caafimaad  ayaa sheegay in dadka caalamka qaar badan oo kamid ahi ay lee yihiin masaskan,gaar ahaana 75 million oo dadkaasi kamid ahi inay caloosha masaskaasi ku lee yihiin.

Leave a Reply