Shaqaaqo Ka Dhacday Ceerigaabo Iyo Badhasaabka Sanaag Oo Socdaal Tamashle ah ku Jooga Hargeysa

0
470

Hargeysa (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay ayaa  socdaal tamashle ah oo uu muddo bil iyo dheeraad ah ku joogo Hargeysa kaga baaqsaday inuu guto waajibaadkiisa qaran, iyadoo mudayacnimadiisa ay ka dhalatay  shaqaaqo fool xun  oo Salaasadii ka dhacday Magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Taasi oo sababtay  inay ku dhaawacmaan dad rayid ahi.
Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidanka Booliska Gobolka Sanaag ay isku dayeen inay soo xidhaan sarkaal ka tirsan  booliska oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Caddib oo  lagu xidhiidhiyay inuu kaalin ku lahaa hub la sheegay inuu dhawaan  ka soo degay xeebta degmadda Maydh ee gobolka Sanaag. Hase yeeshee  dad ninkaa  difaacayay ay Booliska kala hortageen rabashado, taasi oo sababtay in shan qof ku dhaawacmaan iska hor imaadkii halkaas ka dhacay.
Ninkan  ayaan wali  ciddi soo qaban, waxaannu iska dhex joogaa gudaha magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino dhacdadan, ayaanay noo suurtogelin ka dib markii uu qaban waayay telefoonkiisa gacanta. Iyadoo habeen horena uu noo sheegay in arrintan uu shirar kala leeyahay masuuliyiinta Booliska iyo wasaaradda daakhiliga.
Geesta kale dad war-galeen ah oo ku sugan Magaaladda Ceerigaabo ayaa DAWAN u xaqiijiyay in Badhasaabkii Gobolka Sanaag uu  muddo bil iyo dheeraad ah ka maqan yahay gobolka isla markaana uu socdaal shakhsi ah ku joogo Hargeysa, iyadoo siday tilmaameen  maqnaanshihiisu uu kaalin ku yeeshay habacsanaanta maamulka Gobolka Sanaag. Waxaanay tilmaameen in bulshadda gobolka Sanaag ay is weydiinayaan waxa uu Badhasaabkii gobolku mudada dheer uga maqan yahay xafiiskiisa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply