“Waxaan Ku Dardaarayaa Gudoomiyaha Kulmiye Inuu Dedaal Dheer u Galo Midnimada Iyo Isku Haynta Xisbiga”

0
312

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka ugu baaqay inuu ku dedaalo inuu turxaan bixin ka sameeyo khilaafkii ka dhashay shirka shanaad ee Golaha dhexe.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu kaadiriinta KULMIYE ku dar-daaray inay ilaaliyaan midnimadda xisbiga, sidaasna waxa uu ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay xidhitaankii shirkii shanaad ee Golaha dhexe oo uu  shalay soo gabo-gabeeyay.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu  gunaanadkii shirkii golaha dhexe ka jeediyay khudbad u qornayd sidan:-“Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, dhammaan waxaan ku hambalyeynayaa guusha uu ku dhammaaday shirkii  shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga ee labada maalmood socday.  Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socota, waxaan u rajaynayaa guul.
Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dedaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.
Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen.
Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixiii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan.
Ugu dambayn, waxaan ku dardaarayaa, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dedaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga.”
Geesta kalena, waxa madaxweynaha Somaliland uu Guddoomiyaha KULMIYE ka guddoomay shahaado sharaf ay ku maamuuseen horumarka uu dalka gaadh siiyay iyo tallaabada naadirka ah ee uu kaga tanaasulay inuu is sharaxo markii labaad ee dastuurku u ogolaa. Waxaanu Muuse Biixi sheegay in arrintaasi Madaxweyne Siilaanyo ka dhigayso madaxweynihii labaad ee Afrikaan ah ee ay ka suurto-gashay inuu ka hadho tartanka doorashadda kalkiisii labaad ee uu xaqa u lahaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply