Baradhada Shiilan Oo Culimada Caafimaadku Sheegeen Inay Wax Yeesho Caruurta

0
725

Khubarada caalamiga ah ee caafimaadka adduunka ayaa sheegay in baradhada shiilan ee ay caruurtu inta badan cunaan ay keento  xanuuno kala duwan , iyada oo khatar ku ah caafimaadka dhalaanka.
Khubaradan ayaa sheegay in arrinta ugu daran caafimaad ahaan ay tahay baradhada leh ama ay ku badan tahay macaanka badan iyo sidoo kalena dhanaanka xad dhaafka ah, taas oo caafimaadka caruurta dhibaato u keenta , madaama oo aanay caruurt macaan badan iyo dhanaan badan midna u dul qaadan Karin.
Khubaradan ayaa sheegay in sidoo kale ay baradhadani keento dux xad dhaaf ah oo ay caruurta ku keento , taas oo iyaduna dhibaato ku ah caruurtaasi.
Kooxdan oo ay hogaaminayeen khubaro Maraykan ah oo ka socday jaamcadda Duke University  iyo sidoo kale National University of Singapore ayaa ururiyey macluumaadkaasi, waxaanay ku sameeyeen daraasadan caruur gaadhaysa ilaa 4.5 kun, kuwaas oo da’ahaan ka waaweyn saddex sanno jir.
Waxa kale oo macluumaadkaasi ku jiray xogo laga soo qaatay jaamacad ku taala wadanka Ingiriiska oo lagu magcaabo Bristol University ,taas oo ay sameeyeen khubaro Ingiriis ah  oo ku saleeyey habka nafaqo ee caruurta reer Ingiriis, waxaanay sheegen in caruurta cunta baradhada duxdu ku badan tahay ,sidoo kalena ay ku badan yihin labada dhadhan ee Macaanka iyo Dhanaanku ay jidhka caruurta saamayn badan oo khatar ah ku yeelato.
Culimadan ayaa sheegay in baradhadaasi keentay culays badan oo caruurtaasi fuulay, kaas oo qaarna khatar ku  ah kuwo kalena xanuuno ku keenay, waxay sheegeen khubaradani in ay arkeen oo heleen caruur iyaga oo yar yar macaan ku dhacay iyo kuwo xanuuno kale ku dhaceen, wixii ugu badnaa ee ay cuni jireena ay noqotay baradhadaas.
Cuntooyinka kale ee ay khubaradani soo qoreen ayay ku jireen kaluunka iyo digaaga waxyaalaha cas lagu sameeyo , sidoo kalena cabitaanada fudud ee sonkortu ku badan tahay ayaa ahaa waxyaalaha ay qoraalka ku muujiyeen.

Leave a Reply