Ma Guursanayno Illaa Aan Helo Laba Nin Oo Mataano Ah!

0
352

Laba hablood oo mataanno ah oo u dhashay dalka Imaaradka Carabta ayaa noqday kuwo aad isu jecel oo marka laga yimaado inay dhalashada mataanno ku yihiin, dhinacyada  nolosha ee kalena  mataano ku noqday. Inanta mataanta aha ee Hibo oo saxaafaada la hadlaysay ayaa tidhi “Aniga iyo walaashay waxaanu nahay mataanno, laakiin nolosha inteedii kale oo dhana mataanno ayaanu  ku noqonay. Haddii midkaayo maduxu xanuuno tan kale wuu xanuunaa. Haddii ay walaashay Super Market wax ka iibsanayso aniguna sidaas ayaan sameeyaa, isku marna waan seexanaaa.”
Hibo oo hadlakeeda  sii wadatay ayaa intaas ku dartay  “Markii aanu dugsiga sare ka baxnay waxaan galnay kulliyada caafimaadka ee jamaacadda Cajmaan. Aad ayaan u dedaalnay labadayaduba sannadkii 2011 oo aanu dhamaynay waxaanu labadayduba  ahayn ardayda ugu saraysa sidaas darteedna shaqo isku mid ah ayaanu wada helnay oo ah mashruuca la dagaalanka Kansarka, waxayna noqotay in aanu weliba isku goobna ka wada hawl-galno.”
 
Hibo oo todobaadkan saxaafada waraysi siiyay ayaa la weydiiyay siday  ka yeelayaan dhinaca guurka oo lagu yaabo inay kala tagaan ayaa ku jawaabtay “Waa run arrinku wuu adag yahay, laakiin anagu ma rabno inaan kala tagno , waxaan u sheegayna waalidkayo inaan guursan ilaa aanu helno laba nin oo sidayadan mataano ah.”  Labadan hablood ka sakow inay  muuqaal ahaan isku eekaadeen waxa kale oo ay isku mid ka noqdeen doonista, dedaalka iyo fikirka caqligooda oo aad u sareeya, iyagoo wakhtigan labadooduba ah dhakhaatiir.

Leave a Reply